10 Hab oo aad ku baran kartid Luuqad Cusub.
1.Garo #sababta aad u rabtid in aad baratid luuqadaan.
Garashada sababta aad luuqadaan u dooratay wexey kaa caawinaysaa in ay dhiirigelin kuu noqoto marwalba.
- U samayso #qorshe aad ku baratid.
Ugu horayn haddii aad rabto in aad barato luuqad cusub waxaa muhiim ah marka u horaysa in aad dejisid qorshihii aad ku baran lahayd luuqadaasi.
- Ka bilaw meel hoose:
Luuqad markii aad rabto waa in aad kabilawdo basicska ama meelah hoose sida in aad barato #grammer ka(Naxwaha) ay leedahay luuqadaasi.
- #Erey uruurin samee.
Malinkii ugu yaraan isku day in aad luuqadaasi ka baratid ama aad ka xifdid 5 erey iyo macnohooda, taas oo kadhigan in aad bishii ka baran kartid 150 erey.
- #Akhri buugaagta ku baxa luuqadaasi.
Akhrinta buugaagtaasi wexey kaa caawinaysaa in aad aragto ama aad barato ereyo cusub oo aadan horay u aqoon.
- Soo gado ama taleefankaaga kulasoo dag #Dictionary ama erey bixiye.
Haysashada Dictionary ga ama erey bixiyuhu wexey kaa caawinaysaa in aad si fudud ku heshid macnaha ereyada cusub ee aad baranaysid.
- La soco kanaalada ama #channels(ka) kubaxa luuqadaasi.
Tusaale ahaan channelska YouTube ka kujira oo kale kuwaas oo ku baxa luuqadaasi subscribe dhoho si aad si maalinle ah ula socotid xogaha ku baxaya luuqadaasi.
- Sidoo kale ku xirnaw #wargaysyada kubaxa luuqadaasi.
Ku xirnaanta wargaysyadaasi wexey iyana kaa caawinayaan in aad baratid habka luuqadaasi loogu gudbiyo fariin ama xog cusub.
- Isku day in aad dadka luuqadda #dhaladka u ah aad asxaab ku lahaatid.
Lahaanshaha asxaab luuqadaasi ku hadasha wexey kaa caawinaysaa in badan in ku hadalkaaga iyo dhawaaqagu ay saxmaan.
- U #safar wadamada luuqadaasi looga hadli haddii ay macquul tahay.
U safrida wadamada luuqadaasi looga hadlo wexey kaa caawinaysaa in aad sidoo kale baratid dhaqamada dadka ku hadla luuqadaan iyo qaabka ay u noolyihiin sidoo kalena ay isula xiriiraan.
✍️ Bahja Omar Ahmed-Bahuuja