31.9 C
Somalia
Thursday, November 21, 2024

Buy now

spot_img

10 -kan shay waligaa ha waydiin qoraa

 

  1. Maxaad qabataa nolol maalmeedkaaga?

Dhagga! Dee wax baa qoraa. Taasina waa waxa nolol maalmeedka qabto. Haddiise, si daacad ah u hadlo, waxaa jira qoraayo badan oo shaqooyin kale haya . Shaqooyinkaa kale ee ay garabwadaana, dhabtii waa waxa ay ku nool yihiin, ee kharashaadka nolol maalmeedka isaga bixiyaan.

Qorayaal badan ayaa wax u qora, si ay ugu noolaadaan. Sidaa awgeed, wax baa qornaa  waxaana leenahay, wax waliba wuu wanaagsanaan doonaa, taasina waa sida u samaysano noloshayada .

  1. Maxaad ku qabataa waqtigaaga firaaqaha oo dhan?

Hagaag. Qoristu waxaa ay qaadataa ammin. Ereyaddu sixir ahaan kuma imanayaan oo aayar kasoo muuqan maayaan bogga. Waa inaad waqti galiso. Waa inaad deddaal ku bixiso, si aad u qorto, ka dibna winaadaa  tifaftirto; waxaas oo dhammina waxa ay qaadanayaan waqti.

  1. Shaqadaadu aad bay u fududahay!

Waad iska hadashay! Qoristu maaha wax fudud. Maalin walba in wax la qoro, maaha shaqo sahlan. Inta aad kursi ku fadhiisato, ereyada ku dhigto bogga, xitaa haddii ay kugu qaadanayso guyaal, inaad soo saarto wax ay dadku akhriyaan.

Inaad sheeko curiso oo aad u samayso jilayaal, dhacdooyinka mid ba mid isugu xidho oo dhan walba ka hagaajiso qoraalka, maaha wax aayar dhib la’aan la gaadhi karo. Inaad dhigane indhaha akhristaha soo jiita oo si cajiib ah loo iibsado, maaha wax dhayal ah.

  1. Buugaagu ma mid wacan baa?

Dhiganahaygu waa mid naxdin leh, waxba ha iibsan!

Maxaa indhaha la taagaysaa? Buugaygu waa mid wanaagsan. Waa mid caajiib ah ee si degan u akhri. Maxaa kale ee aad iga rajaynaysay in aan ku idhaahdo?

Dhiganahagu waa mid aad wacan, maxaa yeelay anaa qoray!

  1. Ma heli karaa nuqul bilaash ah?

Miyay ku dhaaftay qaybtii ee aan nolol maalmeedkeyga kaga hadlay? Nuqul bilaash ah kuma siin karo. Pdf-na kugu siin maayo, ee adeer iibso!

Akhriste, la soco qaybta 2 aad…

maxaa ka xasuusataa waxyaabaha kale ee qoraaga ka xanaajiya, marka lagu yidhaahdo?

Maxammad Haybe Axmed.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles