31.5 C
Somalia
Thursday, November 21, 2024

Buy now

spot_img

Guushu waxay u baahantahay 6-daan shay..

1. Shaqo adag
Ha isku halayn nasiibka, isku halee shaqada adag.
Jooji inaad isku daydo inaad ku degdegto nidaamka ama raadinta marin gaaban.
Wado sahlan oo guusha loo gaaro majirto waxwaliba dadaal iyo juhdi ayee u baahan yihiin.
2. Dulqaad
Haddii samirka ama dulqaadka kaa lumo, dagaalka nolosha waad ku khasaaraysaa.
Marki aad go’aansato inaad sheey ama wax ka gun gaarto ood ka miro dhaliso, hal maalin iskuma toosto howshaas ee mudo ayee qaadataa iyo in la joogteeyo.
Dadka intooda badan waxay ku quustaan marxaladda koowaad ayagoon wax badan sii wadin juhdiga iyo dadaalka.
3. Naf hurid
Haddii aanad u hurayn waxa aad rabto, markaas waxa aad rabto ayaa noqda waxaad hurtay (khasaartay)
Wax waliba waxay leeyihiin qiimahooda. Su’aashu waxay tahay: diyaar ma u tahay inaad bixiso nolosha aad rabto qiimaheeda?
4. Joogteynta
Joogteynta waa waxa celcelis ahaan (average) u beddela heer sare (high level).
Haddii aan joogto ahayn, weligaa ma gaadhi doontid guul weyn.
5. Anshaxa
Dhiirigelintu way ku socodsiinaysaa, laakiin edebtu (discipline) waxay kaa sii dhigaysaa mid kora caqli ahaan iyo cilmi ahaanba.
Waxaa jiri doona maalmo aad dareemeyso inaad qabato howshaas kuu taala iyadoo sidaas tahay waa inaa samaysaa howshaas kuu taala adigoon ku cabireen (your mood) xaalada aad ku jirto ama xanaaqsanow ama faraxsanow ama niyad jabsanoow maalintaas hooshaas kuu taala sideeda u qabo oo barteeda dhig.
Waa inaad riixdaa maalmahaas iyadoon loo eegin sida aad dareemayso.
6. Kalsoonida Nafta
Kalsoonidu waa inaad dhihi karto, waan fiicnaan doonaa xitaa haddaysan i jecleyn.
Noloshaadu waa inaysan cidna u joogsan oo habsami u socodkeeda sii wadato, Wixii dhib kugu dhaca cashir u qaadato wixii qeyr ahna aad ku mahdiso Alle (SWT).

Mohamed C Rahman Guudle

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles