▪️U Xasuuso Wixii Tagay Inaad Wax Ka Barato Oo Kaliya Laakiin Ha Ku Noolaan Maalin Waliba,
▪️Ha U Ogalaanin Wixii Tagay Inay Qeexaan Qofka Aad Hadda Tahay, Isbeddelku Waa U Socdaa Daqiiqad Kasta.Wax Kastana Waxay Isbeddelayaan Isbedelka Shakhsiga Iyo Miyir-Qabka Meeraha Maskaxda Bini’Aadamka,
▪️Wixii Tagay Lama Tirtirikaro Sidaa Darteed Ha La Dagaalamin Ama Ha Isku Dayin Inaad Hagaajiso Wixii Tagay, Wixii Tagay Way Isku Dhammadeen Waana Inaad Ku Aqbashaa Sida Ay Tahay Runta Haba Adkaatee, Bilaaw Waqti Xaadirkan Una Noolow Si Wanaagsan, U Noolow Si Kal Iyo Laab Ah Oo Aan Cabsi Iyo Qoomameyn Midna Lahayn, U Dhago Nugloow Waxyaabaha Nuxurka Leh Ee Noloshaada, Taageer Naftaada Oo Ka Caawi Iska Ilaalinta Waxyeelada Waxyaabahii Tagay,
▪️Ha U Ogolaan Wixii Tagay In Ay Ku Firdhiyaan Tiirarka Maskaxdaada Murugo Iyo Shalaay,
▪️Adduunyadu Waa Waxyar Wax Kastana Way Ku Dhaafayaan,Wixii Tagay Iyo Dadka Qaar Waan U Sii Hanqal Taagikarnaa Balse Ma Helikarno Sidaa Darteed Maaha In Aan Nolosheena Hada Usii Burburino Waayo Waa Waqtiga Kaliya Ee Aynu U Noolnahay Si Miyir Dawaqsan, Waqti Kadib Waxaay Ugu Dambayn Isku Badalayaan Wax Tagay, Wixii Hore Waa Wax La Soo DHaafay, Waxa Hadda Joogana Berri Way Ku Dhaafayaa Oo Waxaay Noqonayaa Wax Tagay Ee Maanta Ka Faa’ideyso Inta Aad Ku Mashquuli Laheyd Wixii Shalay Iyo Ka Shalaayidooda Si Mustaqbalkaagu U Noqon Wax La Soo Dhaafay, Sidaa Darteed Hadda Waa Waqtiga Kaliya Ee Aan Ka Dhigi Karno Waqtiga Ugu Fiicaan Iyada Oo Daqiiqad Kasta Lagu Noolaankaro Maskax Caqli Iyo Caafimaad Qabta Si Aad Horay Ugu Socoto Noloshaada,
Wixii Tagay Noloshaada Ha U Dayacin Ee Iska Caabi Waxyaabaha Gudahaaga Ka Imanayo Si Wixii Tagay Aan Iskuugu Dhibin Naftaan Martida Joogtada Ah ee Nolosheena, Ogow Xasuusaha Qaar Waxaa Laga Dhaxlaa Xanuun Nafsiyan Ah.
✍️ Drs-Deeqa Xaaji Shadoor