Aasaaska Dowladnimada Iyo Badhaadhaha Horumarka Waxa Waddo U Ah Ilaalinta Sharciga. Shuruucdu Waa Xeerar Ka Kooban Qodobbo Oo Ay Ku Heshiiyaan Dowlad Ama Bulshadii Meel Wada Deggani. Xeerarkaasi Waxay Ka Unkamaan Raalli Ahaanshaha Dhammaan Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshadaas, Waxaanay Ku Sii Waaraan Ilaalinta Hadba Ciddii Wada Dhisatay Shuruucdaas.
Shuruucdu Waxa Ay Nidaamiyaan Isla Markaana Deganaansho Siiyaan Hannaanka Nololeed Ee Bulshada. Waxa Ay Innaga Caawiyaan Xalinta Khilaafyada Iyo Isku Dhaca Ka Dhasha Nololmaalmeedka Bulshada. Sidoo Kale Waxa Ay Ka Qaybqaataan Horumarka Dowladnimo Iyo Sidoo Kale Horumarka Shakhsiyeed Ee Dadka.
Marka Hannaan Wanaagsan Oo Ka Madhan Dano Gaar Ah Loo Sameeyo Shuruucda, Waxa Ay Bulshada Iyo Dowladda Ba Ka Caawiyaan In La Gaadho Badhaadhe Nololeed. Tusaale, Marka La Dabbaqo Isla Markaana Sidooda Loo Raaco Xeerarka Ku Qotoma In Suuqyada Wax-Kala-Iibsigu Xor Noqdaan, Meesha Na Laga Saaro U Xaglinta Cid Gaar Ah Ama Kooto Ugu Xidhka Suuqyada Cid Gaar Ah, Waxa Ay Innaga Caawin Kartaa In Ay Yimaaddaan Tartanno U Dhaxeeya Shirkadaha Wax Iibiya. Sidaa Darteed, Waxa Ay Muwaadiniintu Heli Karaan Kala Doorashooyin Dhanka Suuqa Ah, Kuwaas Oo U Sahlaya In Ay Helaan Badeecado Jaban.
Dhankii Aynu Istaagna Ba, Sharcigu Waxa Uu Lagama Maarmaan U Yahay Nolosha Dadka, Deegaanka Iyo Dowladnimada Ba. Shuruudaha U Weyn Ee Ku Xidhan Na Waa In Uu Sharcigu Ka Madhanyahay Danaysi Shakhsiyeed Iyo Ilaalintiisa Oo Waajibaad Ka Koobaad Ah.
Mustafa Somali