23.6 C
Somalia
Friday, December 20, 2024

Buy now

spot_img

Maxaa akhristaha xiisagaliya?

Marka uu qoraagu helo mowduucyo badan oo uu wax ka qoro. Waa in uu mid Ka doortaa.
Ka hor inta aannu qoridda bilaabin, waa inuu indha-indheeyaa. Waa inuu ka fikiraa sida ay suurtagal u tahay. Kuma filna inuu iska yidhaahdo, ” kani waa mowduuc wanaagsan; waxaa aan rumaysanahay in aan maqaal ka qori karo”. Mowduuca waa in uu dhinac walba ka eegaa.
Waa in uu naftiisa weydiiyaa: ” intee in leeg ayaa uu mowduuceygu xiiso balaadhan leeyahay?”.
” Dhinacyadee ayaa keeni kara xiisaha cajiibka ah? Si, aad uga warceliso weydiimahaa, waa inaad ogaatid ilaha ay ka soo maaxdaan xiisaha iyo qanacsanaantu.
Akhristaha in la xiisagaliyo waa mid iska cad waana shayga ugu muhiimsan dhammaan qoraallada guud ahaan. Xiisaha sheekada aasaasiga ah ee wararka, maqaalka sifada gaarka ah leh iyo asal ahaan sheekada gaabani waa isu mid.
Wax kasta oo qofku celcelis ahaan jecel yahay, inuu maqlo iyo inuu arko, wax kasta oo qofka siinaya raaxo iyo qanacsanaan, waa waxa uu rabo in uu akhriyo.
Haddaba, si aad u ogaato mawduuca aad ka hadleysid, waa inuu qoraagu maankiisa ku hayaa, ilaha ay ka yimaaddaan qanacsanaantu( source of satisfaction)
Mowduuca iyo dhinacyada mowduuca ee akhristaha soo jiidan kara , waxaa loo qaybin karaa heerarkan:
Qodobka 1 aad: Kalgacaylka ( romance) waa sheekadda diiradda saarta xidhiidh jaceyl
Kalgacaylka ka jira nolosha dhabta, waxaa uu u xiiso badan yahay sida ka sheekada khiyaalka .
Sida aduunka oo dhan u jecel yahay ka jecel, ayaa baddiba duniddu u jeceshahay sheekooyinka jaceylka. Si aad u qorto sheeko kalgacal oo xiiso leh, waa inaad ka abbaartaa allaadaha xiisagaliya ama dareen gaara keenna. Waxaa ka mid ah:
inay meesha wax ka baxaan ama la waayo( something missing)
Tusaale, …waxa ay waddaa gaadhiga. Xabaashii ninkeeda ayay ku sii socotaa. Wey qalbijabsan tahay. Baabuurka xoog uma waddo; taleefanka ayay kula hadleysaa asxaabteeda, weyna ooynaysaa. Maankeedu wuu maqan yahay, xitaa marmar bay garanwaayaysaa inay wax waddo…
Qoraayahow, waa inaad ogaataa in sheekooyinka diiradda saara xidhiidhka jaceylku( romance), ay yihiin kuwa akhristaha xiisagaliya ee la ogow qalinka.
Qodobka 2 aad: Carruurta ( children)
Maxaa yeelay, waa aynu la noolnahay. Waa nolosheenna. Indhaheenna ayaynu ka jecel nahay. Wax kasta oo khuseeya carruurta, waa mid qalbiyadeenna soo jiidanaya. Sheekooyinka carruurta ku sahabsani waa kuwo dhabtii ku guuleysta: diirnaxa iyo qushuucyadda.
Qoraalka ku sahabsan daryeelka iyo waxbaradhada carruurta, waa kuwo muhiimmad gaar u leh dumarka akhristayaasha ah.
Qoraagu waa in aannu marna qalinka la seegin, ilaha ay ka yimaaddaan xiisagelinta akhristuhu, waana qoraallada ka hadla carruurta.
Akhriste, la soco qodobka 3 aad…

W/Q: Maxamed Haybe Axmed.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles