27.8 C
Somalia
Wednesday, September 18, 2024

Buy now

spot_img

Soomaalidu waxyaabaha aysan wali aadka  ufahmin waxaa ka mid ah arimaha qoyska.

 

Taas oo dhibaatooyin badan ka taagan yihiin samayn ba,ana ku yeelatay qoysas farabadan

mararka qaar waxaa dhacda in waxyaabo iska yar oo ka dhexeeya labada lamaane oo shumis ama dhunkasho lagu xalin karo in midkoodna midka kale fahmi waayo ama u tanaasuli waayo sidaasna ay iskugu dhacaan ama qoyskoodu ku burburo.

■Ragu waxay rabaan inay ula dhaqmaan hablaha udhaxa sidii boqor dagaal yahan ah oo maxaabiis uu soo qafaashay amar siinaya, taas oo ah dhaqan ay kasoo dheegteen jiilalkii ka horeeyay oo un is adkee mooyee aan abdo kale lahayn.

taasina dhaqan diineed iyo mid dadnimo midna maaha,

waan la soconaa islaamka iyo halka uu ka taaganyahay dhaqan wanaaga qoyska. waxaana tusaale inoogu filin xadiiska uu Rasuulku (nnkh) uu yiri “”خِيَارُكُمْ خِيَارُكُمْ لِأَهْلِهِ.”

{kuwa idinku ikhyaarsan ama kuwa inii ku wanaagsan waa kan qoyskiisa ugu ikhyaarsan}

xataa waxa uu baneeyay islaamku  beenta ay lamaanuhu isu sheegaan si ay isu raali galiyaan ama isu soo jiitaan.

Dadyawga caalamkana waan lasoconaa siday u dhaqmaan qoys ahaan haba kala duwnaadeene.

■ Dumarkiina waxaad mooda sagaaro dabin ka fakatay oo waxay tartan iyo tantoomo aan kala harlahayn kula jiraan ragii.

waxay katageen xaqii lagu lahaa waxay gabeen ixtiraamkii waxay iska masaxeen naxariistii iyo garab istaagii la rabay inay ninkooda u muujiyaan maadaama oo uu halgan ugu jiro iyada iyo ilamaheeda iyo dhamaanba qoyska waxay noqdeen dhuuni raac hunguriga hoostiisa wax ka arka oo aadan moodayn inay guriga ama qoyska iyadu leedahay xitaa haday 10 da,aad dhasho.

faa,iidooyinka gabadha wanaagsan waxaa inooga filan xadiiska Rasuulka nnkh ee oranaya

“الدنيا متاع وخير متاع الدنيا المرأة الصالحة”

{Aduunyadu waa dhaldhalaal iyo raaxo yar waxaana ugu khayr badan raaxadaas iyo alaabtaas gabar wanaagsan}

waxayaabaha keenayaa isfahmi waaga badan, fureenka xargaha goostay, hadal xumada, dulqaad yarida, iso tanaasul la,aanta waxaan oran karna waxa aysan fahamsanayn habdhaqanka wanaagsan ee qoyska iyo caqliyada haweenka oo ah mid emotional ah.

Mar walba way jiraan dad wanaagsan Raga iyo Dumarkaba garanayana waxa kan kale ka mudanyahay.

W/Q Abdullahi Saciid

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles