27.2 C
Somalia
Thursday, November 21, 2024

Buy now

spot_img

Wariye Aisha Abass Tahliil oo ka badbaaday isku day dil kadib rasaas ay ku fureen kooxo hubesan degmada Kaxda

10 Aug 2024 {HMC} Weriye Aisha Abass Tahliil oo ka tirsan wargayska ugu afka dheer   Mudisho ee xog-doon ayaa caawa abaaro 07:30 PM koox ka tirsan Al – Shabaab waxa ay ku weerareen degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la maqlayay rasaaas xoogan  oo  goobjoogayaashu ay sheegayaan in lagu furay gabadha weriyaha ah ee caawa la beegsaday inkastoo waxyeelo aysan gaarin haddana kooxda dilkaas damacsanayd ayaa goobta isaga baxday.

Si dirqi ah ayay kooxdan kaga badbaaday Weriyaha waxaana rasaasta ku soo baxay ciidan ka tirsan Dowladda  Federaalka ah ee Soomaaliya halkaas oo iska caabin ay kala kulmeen kooxdii ka tirsanayd Al- Shabaab ee weerarka soo qaaday weriye Aisha Abass Tahliil.

Weerarkan  lagu  damacsanaa in lagu qaarijiyo wariyaha ayaa dhacay xili ay ka soo laabatay shaqo maalmeedka ee Wargayska Xog- Doon ee ka soo baxa Muqdisho.

Weriye Aisha Abass Tahliil ayaa si wayn wax ka qorta tacdiyada iyo xad-gudubyada  ay kooxda Al- Shabaab ugu gaystaan deegaanada ay ka taliyeen Dumarka Soomaaliyeed.

Dhawr jeer sida ay sheegtay weriye Aisha Abass Tahliil  kooxda Al- Shabaab  ayaa ugu hanjabtay in ay khaarijin doonaan haddii aysan  joojin qoraalada ay ka samaynayso tacdiyada ay ugaystaan kooxdaas haweenka Soomaaliyeed , iyadoo oo la kulmaysay maalmihii la soo dhaafay hanjaabyo iyo wicitaano toos ah.

Kooxda Al- Shabaab ayaa inta badan beegsada suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala warbaahinta madax banaan, waxaana jira dilal badan oo ay u gaysteen suxufiyiin  dhawr ah oo rag iyo dumarba isugu jira .

Weriyaal  badan ayaa dalka isaga cararay  cabsi ay ka qabaan kooxda Al- Shabaab iyo sidoo kale  caburinta kaga imaanaysa dhanka dowladda Soomaaliya.

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles