26.5 C
Somalia
Thursday, September 19, 2024

Buy now

spot_img

Waxaa Jiro Dhowr Talooyin Oo Ka Caawinaya In Aad  Naftaada Barato Oo Aad Jeclaato:

 

▪️Jooji Dhamman Dhaliilaha ;

Dhaliishu Waxba Ma Badasho Ee Iska Ilaali In Aad Naftaada Dhaliisho Ku Aqbal Naftaada Sida Saxda Ah Ee Aad Tahay, Qof Kasta Wuu Isbedelayaa Marka Aad Naftaada Dhaliisho, Isbedelka Qaar Waa Mid Xun Balse Markaad Hormariso Naftaada Isbedelkaagu Wuxuu Noqonayaa Mid Wanaagsan,

▪️Iska Cafi;

Iska Iloowidda Wixii Tagay Waa Waxaa Ugu Fiicaan Ee Aad Sameeyso Xiligaas, Fahamkaaga, Wacyigaaga Iyo Aqoonta Aad Leedahay Waad Ka Kortay Oo Waad Isbeddeshay Noloshaadana Si Wanaagsan Baad Ugu Noolaneysaa,

▪️Iska Ilaali Khalkhalka;

Jooji In Aad Naftaada Ku Argagax Geliso Waxaad Aaminsantahay Waa Hub Iyo Habka Xun Oo Loo Noolaado, Raadi Hab Ruuxi Ah Oo Ku Dareensiinaya Raaxo, Dareenka Cabsida Ah U Bedel Dareen Daganaansho;

▪️Noqo Mid Dadka U Damiir Dabacsan, Naxariis Iyo Dulqaad Badan Naftiisana U Dabacsan Oo Wanaajiya, U Dulqaado Naftaada Sida Adigoo Baranaya Hab Fikirka Cusub, Naftaada Ula Dhaqan Sidii Qof Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay;

▪️Maskaxdaada U Naxariiso;

Naceybka Naftaada  Wuxuu Ka Yimadaa Naceybka Fikradahaaga, Ha Nicin Naftaada Sababtoo Ah Waxaad Leedahay Fikrado Si Fudud Isku Bedel  Balse Si Fudud Go,aan U Oga Gaarin Fikradahaas,

▪️Naftaada Amaan Sii;

Cambaarayntu Waxaay Keentaa Burburka Gudaha Nafta, Amaantu Waxaay Dhistaa Nafta Ee Is Amaan Inta Aad Awoodo, Naftaada U Sheeg Awoodaada Aad Wax Ku Qaban Karto,

▪️Taageer Naftaada;

Raadi Qaab Aad Ku Taageerto Naftaada, Gaarsii Saaxiibadaada Daacad Ku Ah Una Ogolow In Ay Ku Caawiyaan, Waa Geesinimo In Aad Caawimaad Weydiisto  Dadka Aad Ku Kalsoontahay Marka Aad Ubaahato,

▪️Noqo Mid Soo Dhaweeya Kuwa Xun Ee Xaasidinta Ah;

Soo Dhawee  Si Aad Kaaga Barato Qiimaha Nolosha Iyo Wajiyada Dadka Adigoo Feejigan, Waana In Aad Go,aansataa Iskuna Daydaa In Aad Iyaga Wax Ka Bedesho Inta Ay Iyaga Wax Ka Bedelin, Xumaantooda Iyo Xaasidnimadooda Ugu Bedel Naxariis Iyo Wanaag,

▪️Qiimee Naftaada; Marwaliba Naftaada Ilaali Qiimaheeda Hana Ogalaan In Aad Wax Ku Badalato Ogow Qiimahaagu Waa Quwadaada Qofnimo,

▪️Ku Qanac Qaddarkaaga; Marwaliba Oo Aad Ku Qanacdo Qaddarka Qaadir Ku Qoray Waxaad Ku Noolataa Qanacsanaan .

✍️ Drs-Deeqa Xaaji Shadoor

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe
- Advertisement -spot_img

Latest Articles