5 qalad oo aad u waawayn oo aan ka fahmansanaa xirfadda qoraalka


5 qalad oo aad u waawayn oo aan ka fahmansanaa xirfadda qoraalka .

Mararka qaar inaad dib u milicsato , u aqbasho, ku kaftanto, waxna ka barato khaladaadkaaga, waa arrin cajiib ah. Waa inaad daacad noqoto oo aad sheegto khaladaadkaaga ama waxyaabihii fahan qaldan aad ka haysatay ee qoraalkaaga.
Marka aad dadka la wadaagto waaya-aragnimadaadii qoraalleed, weliba khaladaadkii aad soo gashay, waa ku-dhac geesinnimo leh, waxaana wax ka baran doona faca cusub ee qalinlayda ah.
Halkan ka dhuggo qaar ka mid ah kuwo fahanka qaldan ka haysteen qorayaasha qaarkood:

1. Dhakhso oo wax loo qoraa inay tilmaanto xirfad qoraal

Tani waxaa la dareemi karaa marka aad qoraalka ku cusub tahay , weliba aad dhallinyaro tahay. Inta badan tani waxa ay ka dhacdaa bulshada khadka dhexdiisa ( online internet) oo qof kastaaba waxaa uu rabaa in la arko inuu qoraa yahay. Dadku inay arkaan oo loogu yeedho: qoraa. Halka mararka qaarna isagu isugu yeedho: qoraa. ” Qoraa baa ahay”.
Waxaa uu rabaa inuu caddeeyo inuu yahay qoraa wanaagsan, laakiin haddii ayna dadku akhriyinba qoraalkaaga, ma caddayn kartid in aad qore wacan tahay!
Qofka noocan oo kale ah, waxaa isleeyahay qoraannimadaada ku caddee dhakhso-qoristaada; sida dhakhsaha ah ee aad wax u qortaa, waxaa ay muujinaysaa xirfaddaada qoraal. Sidaas awgeed, maqaal degdeg ah ayaa uu qorayaa, haddana mid kale oo degdeg ah, ayaa uu ka dabakeenayaa.
Si dhakhso ah ayaa uu usoo dhigayaa qoraalkiisa, waayo waxaa uu aaminsan yahay, dhakhso oo wax loo qoraa inay sheegayso, xirfad qoraal oo heersare ah.
Qoraaga socodbaradka, inta badan waxa uu u maleeyaa in dhakhso oo wax loo qoraa, ay astaan u tahay “qoraa rugcaddaa ah”, balse taasi waa mid waxba-kama-jiraan ah.
Marka maankaagu ku mashquulsan tahay qorista dhakhsaha ah, waxa aannad diiradda saarayn tayayntii qoraalka , taasi oo hoos u dhigaysa horumarinta qoraalkaaga.

Qoraayada qaarkood ayaa sheegay in markii hore ee ay qoraalka ku cusbaayeen, ay dhiganahoodii ugu horreeyay ku qoreen ” saddex bilood oo keliya” laakiin, maanta waxa ay u arkaan inay tahay taasi waali. Hore waxaa loo yidhi: degdegsiimo door ma dhasho, marka aad si degdeg ah u qorto buugga, ee aad horena u daabacdo, waxaa badanaya ilduufkaaga.
Geesta kale, qoraayada qaar ayaa laga hayaa inay dhiganhoodii kowaad ay ku qaadatay inay shay bilood guddahood ku qoreen , halka dhiganihii labaadna ay ku qaadatay ammin intaas kasii yar oo ah: saddex bilood! Waxa ayna u maleeynayeen in xirfadooda qoraal ay horumartay, mar haddii waqti kooban ama dhakhso badan wax ku qorayaan.
Haddaba, marka ay guyaal ku dhex jireen hawsha qoraalka , waxa ay garwaaqsandeen inay fahan qaldan ka haysteen qorista dhakhsaha ah. Qorista degdeg ah ee dhakhso loo dhammeeyaa buuggu ayna tilmaamayn noqoshada qoraa wanaagsan.
Waxaa kale oo ay sheegeen in maanta ka guureen fikirkaa qaldan ee ka dhaadhacsanaa, laakiin hadda ay farsama-socdaan oo waxa ay qorayaan ka fiirsadaan , marka ay buug qorayaana ay qabyaqoraalkiisa kowaad ay ku qaadato sannad!

Ugu dambeyntii, waa inaad ogaatid inay jiri karaan qorayaal waaya-arag ah oo qoristoodu gaabiso ama waqti badan ay ku qaadato inay wax ku dhammaystiraan ay tahay hab ay doorteen ; waxayba dabeecad u leeyihiin inay sidaa u shaqeeyaan.
Maan diidin inay jiraan qorayaal waaya-arag ah oo dhakhso wax u qori kara, weliba uu qoraalkoodu wacan yahay ama tayo leeyahay, laakiin maanka ku hay : awoodda aad u leedahay inaad si dhakhso ah/degdeg ah wax u qori karto ayna tilmaamayn xirfad qoraal! Waa fahan qaldan ee iska saar.

La soco…

W/Q: Maxamed Haybe Axmed

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..