1. Jooji in aad dadka u sheegto qorshayaashaada.
Marka aad wax badan la wadaagto dadka, horumarkaaga ayaad dhaawacaysaa. Qari qorshahaaga oo si hoose ku guuleyso.
2. Ogow goorta aad maya odhanayso.
Dadka xoogga leh waxa ay mudnaanta siiyaan daryeelka naftooda halkii ay ka raalligelin lahaayeen dadka kale. Baro in aad si caadi ah u tidhaahdo “maya”.
3. Go’aan qaado oo si dhab ah ugu dheg.
Dad badan way la’ yihiin anshax iyo adkeysi; waxa ayna mar walba dib ugu noqdaan caadooyinkoodii xumaa. Go’aan qaado in aad is beddesho, kuna sii jir.
4. Awood ayaa ku jirta tirada badan.
Qofna kaligii nolosha kuma guuleysto. Waxa aad u baahan tahay koox ku garab istaagta oo ku taageerta. Jooji inaad kaligaa wax isku daydo.
5. Gaajee waxyaabaha mashquulinaya naftaada, quudina kuwa diiradda saaraya yoolalkaaga .
halkii aad maskaxda ku maaweelin lahayd waxyaabo aan micno lahayn. Haddii aad si buuxda u feejignaato, waxa aad gaadhi kartaa wax kasta oo aad rabto.
6. Mar walba dadka kale u keen faa’iido.
Hal sir oo guul lagu gaadho ayaa jirta: in la fududeeyo nolosha dadka kale. Ganacsi iyo xiriir kasta, haddii aad dadka faa’iido u keento, waxa ay kuu noqon doonaan mudnaantooda koowaad.
Sii wad dadaalka.
W/T: Talo iyo tusaale.