8 sano kadib waxa laga soo saaray mindi uusan ogeyn xiliga ay ku dhacday misana uu dareemin xanuunkeeda arrin cajiiba


Sheekada ninkaan waa mid igayaabisay xaqiiqdii

Ninkaan hospital ka waxa uu utagay xanuun caadiya laakiin kiiskiisu dhan kale ayuu isku rogay
Bal aan idin kaga dhex boxo :
Nin Tansaaniyaan ah oo isbitaal ka u tagay isagoo ka cabanaya xanuun iyo caaryada ka soo baxaysa naaska midig, (caaryadu waa dheecaanka kasoo baxaya dhaawaca) hadii aad ku wareertay saas u fahan ninkii ayaa lala yaabay markii la ogaaday inuu muddo 8 sano la noolaa mindi weyn oo laabtiisa ku dhex jirtay.โ€
Dhakhaatiirta Isbitaalka Qaranka ee Muhimbili ee Tanzania waxay dhawaan daabaceen warbixin kiis layaableh oo ku saabsan nin 44 jir ah oo guud ahaan caafimaad qaba. Ninkani wuxuu isbitaalka yimid isagoo ka cabanaya in muddo 10 maalmood ah ka soo baxaysay caaryada caddaanka ah naaskiisa midig. Wuxuu diiday inuu sheego xanuun laabta ah, neefsashada oo dhib ku timaada, qufac, ama qandho, laakiin markii dhakhaatiirtu weydiiyeen inuu xusuusto wax dhacdo muhiim ah, wuxuu xasuustay dagaal rabshadeed oo dhacay 8 sano ka hor, halkaasoo uu ka soo gaaray dhaawacyo wajigiisa, dhabarkiisa, laabtiisa , iyo calooshiisa .
Dhakhaatiirtu waxay markaas kadib bilaa been in ay dhaawacyada si fiican u tolaan n, waxaana ninku ku noolaa nolol caadi ah ilaa naaskiisa midig uu bilaabay inuu ka soo baxo caaryo ama dheecaan . Markii ay dhakhaatiirtu awoodi waayeen inay ogaadaan sababta caaryada, waxay amar ku bixiyeen baaritaan X-ray ah, ama raajada waxayna la yaabeen markii ay arkeen mindi weyn oo ku dhex jirta laabta ninka.
Baaritaankii hore ee X-ray-ga dhinaca laabta ayaa muujiyay shay bir ah oo ku haray bartamaha laabta, iyadoo hareerihiisa ay ka muuqato meel madow oo dhalatay dhaawicii mindida ahaa ee bukaanka.โ€
Arrinta cajiib ka ah, ayaa ahayd mindida, oo ka soo gashay garabka midig (scapula), waxay si lama filaan ah uga fogaaday dhammaan xubnaha muhiimka ah ee jirka sida wadnaha iyo sambabaha .Waqtigii dagaalka ninkaas uu galay 8 sano ka hor, isbitaalkii lagu daweeyay ma lahayn qalab lagu sameeyo baaritaan raajo ah, sidoo kalena maadaama uusan xanuun dareemin markii dhaawacyadiisu bogsadeen, qofna ma uusan danayn inuu baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo.
Waxaa se layaab ah in mindidu aysan ninka 44 jirka ah wax raaxo-darro ah u keeni muddo dheer oo ay jirkiisa kujirtay Caaryadii ka soo baxday waxay ka dhalatay unugyada dhintay ee ku urursamay hareeraha shayga ama midida .
Kadib markii la ogaaday arrinta layaabka leh, mindida si taxadar leh ayaa looga saaray qalliin, iyadoo lala qaaday unugyada dhintay iyo caaryada. Bukaanku wuxuu 24 saacadood ku qaatay qaybta ICU ka hor inta aan loo wareejin qaybta guud ee isbitaalka muddo 10 maalmood ah. Soo kabashadiisu si fiican ayay u dhacday, baaritaannaduna wax dhibaato ah kuma qabin.
Sheekadan ayaa tusaale u tahay sida jidhka biniโ€™aadamku uu u yeelan karo xaalado aan la ogeyn muddo dheer, iyadoo aan wax dhibaato ah la dareemin ilaa calaamadaha cusub eey soo baxaan mooyee .

Maxay kula tahay adiga ๐Ÿ‘‡

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..