Adiga ayay kuu taal.
Aug 12, 2025 -
Waxaa lagu siiyay Nolol, laguma siin Nolol fiican ama Nolol xun, Adigay kuu taal in aad ka dhigato mid fiican ama mid Xun
1. Adigay kuu taal in aad aroorti hurdada ka toosto oo u dhaqaaqdo rumeynta riyadaada & in aad iska sii hurudo oo riyooto
2. Adiga ayay kuu taal in aad Farxadaada ka shaqeyso & in aad Murugo ku noolaato
3. Adigay kuu taal in aad isbeddel dhab ah sameyso iyo in aad sameyso marmarsiinyo & quus
4. Adigay kuu taal in aad ka shalayso ficil kasta aad sameyso & in aad marki hore ka fakirto waxa aad sameynaysid
5. Adigay kuu taal in aad Internetka iska dhex mushaaxdo, iska daalacato waqti badan ku lumiso iyo in aad wax faa’iido ah ka kororsato, xirfad ka barato
6. Adiga ayay kuu taal in aad caafimaadkaaga hagaajiso, naftaada daryeesho & in aad dayacdo
7. Adiga ayay kuu taal in aad Saaxiibo Xun la socoto & in aad sameysato Saaxiibo wanaagsan
8. Adigay kuu taal in aad iskala joogto Xiriir aan horay kuu wadayn, ku caawinayn, madax xanuun kuu keenaya & in aad Xiriir fiican sameysato kaasoo si wada jir ah aad isu caawinaysaan, horumarkiina ka shaqeynaysaan
9. Adigay kuuu taal in aad Go’aan gaarto ama laba-labayn ku jirto weligaa
10. Adigay kuu taal in aad gacantaada isku halaagto iyo in aad gacantaada isku horumariso
11. Adigay kuu taal in aad cabasho & eedayn qof kale wado weligaa iyo in aad mas’uuliyada Noloshaada qaadato, dhanka aad rabtana u jiheyso
12. Adigay kuu taal in aad Xusuus & wax laga soo tagay ku dheganaato, maskaxdaada ku daaliso iyo in aad maanta xooga saarto si aad Beridaada u hagaajiso
13. Adigay kuu taal in aad ka welwesho “maxay dadka ku oran doonaan” iyo “sidee dadka kuu arki doonaan” iyo in aad sameyso wixi aad jeceshahay, wixi qalbigaaga kuu sheegayo
14. Adigay kuu taal in aad iska dhigto Dulmane, in aad is liido iyo in aad noqoto mid Guuleystay, meel sarena gaaray
15. Adigay kuu taal in aad dhibaato iska dhex fadhido iyo in aad Xalka raadiso, waxna ka qabato si deg-deg ah
16. Adigay kuu taal in aad Dambi & xumaan sameyso maalin kasta oo Nolol ciriiri ah ku noolaatid iyo in aad Wanaaga badiso, Ajar shaqeysatid si aad Nolol macaan ugu noolaatid
17. Adigay kuu taal in aad wax xado, xaaraan quudatid ka dibna Nabad & deganaan maskaxeed aad weydo iyo in aad Xalaal shaqeysato si aad Xayaato nadiif ah u hesho
18. Adigay kuu taal in aad post-gan ka mahadceliso, sii faafiso ama saaxiib ku mention-garayso ama in aad ka gudubto adigoo ka faa’iidaysan wax reaction ahna samayn
Noloshu Waa Doorasho. Wax kasta oo Noloshaada ah Waa falcelis doorasho aad adigu sameysay. Hadii aad rabto Natiijo ka duwan wixi hore samee Doorasho ka duwan kuwi aad horay u sameysay.
Wareega Saacada wuu socdaa, Wakhtiga wuu ordayaa, Waqti sax ah oo kuu imanaya ma jiro, Noloshu waa Tartan, Adigay kuu taal in aad Tartanka Nolosha ku guuleysato iyo in aad ka harto oo iska reebto. Noloshu Waa Doorasho sameyn. Samee Doorasho Sax ah Maanta iyo Mar kasta
Post Views: 87
Nagala Soo Xiriir
contact@xogbaahin.com