Buugga Salaad baa i dhaaftay
Aug 6, 2025 -
Buugga Salaad baa i dhaaftay waa dhigane cilmi iyo xikmad badan xambaarsan, oo ka hadlayo muhiimadda salaadda iyo sida ay nolosha qofka u beddeli karto. Qoraagu wuxuu xooga saarayaa sababaha keena in dadku salaadda dayacaan, sida marmarsiinyada badan, caajiska, iyo sida ay naftu uga cararto waajibaadkan muhiimka ah.
Qodobbada ugu muhiimsan ee buuggu xambaarsan yahay:
1. Salaaddu Waa Xudunta Nolosha:
Buuggu wuxuu xoojinayaa in salaaddu aysan kaliya ahayn waajibaad diiniga ah, balse ay tahay isha xasilloonida, farxadda, iyo guusha.
2. Sababaha Salaad La’aanta:
Dadka badankood waxay ka cabsadaan inay tukadaan sababtoo ah waxay u haystaan inay culus tahay ama aad u dhib badan, halka kuwo kale ay marmarsiyo raadsadaan, iyagoo sugaya “maalin uun” oo ay wax ka beddeli doonaan noloshooda.
3. Ka Gudub Caajiska iyo Dib-u-Dhigista:
Qofku wuxuu noloshiisa hormarin karaa marka uu go’aan adag ka gaaro sidii uu u toosin lahaa salaaddiisa. Dib-u-dhigista joogtada ahi waxay qofka gelisaa nolol aan lahayn jihayn sax ah.
4. Isbeddelka Wuxuu Ka Bilaabmaa Maskaxda:
Dadka guuleystay waa kuwa beddelay hab-fikirkooda, kuwaas oo aaminsan in salaaddu tahay fure guul, farxad, iyo barako, halkii ay ka arki lahaayeen culays.
5. Naftaada Adigu Hoggaami, Ha Ku Hoggaamin:
Qofka waa inuu naftiisa xakameeyaa halkii uu la socon lahaa rabitaankeeda. Sidaas darteed, salaaddu waxay tahay mid lagu xakameeyo nafta, lana baro in qofku maamulo waqtigiisa iyo camalkiisa.
6. Wakhtiga Waaberigu Waa Mucjiso:
Qofka guuleysta waa qof ka faa’iidaysta waaberiga. Buuggu wuxuu tilmaamayaa in dadka guuleystay, gaar ahaan kuwa hogaamiya shirkadaha waaweyn, ay toosaan xilliga subaxa hore, taas oo la mid ah sida ay salaadda subax muhiim ugu tahay qofka muslimka ah.
7. Marmarsiyo Raadin Waa Xal La’aan:
Dadka aan salaadda tukanin waxay had iyo jeer raadiyaan marmarsiiyo, sida “waan mashquulsanahay” ama “waan daalanahay,” laakiin dhab ahaan qof walba wuxuu haystaa 24 saacadood, wuxuuna dooran karaa inuu mudnaanta siiyo salaadda.
8. Dunida “Maalin Uun” Waa Xabsi Maskaxeed:
Qof kasta oo dib u dhiga salaadda wuxuu dhahaa “maalin uun ayaan bilaabi doonaa,” laakiin maalintaas waligeed ma timaado. Sidaas darteed, qofku waa inuu maanta bilaabaa salaaddiisa, halkii uu sugayey berri aan la hubin.
9. Gefafkaadii Hore U Adeegso Inaad Ku Horumariso Naftaada:
Khaladaadku waa wax qof walba sameeyo, laakiin waxaa muhiim ah in qofku wax ka barto. Qofka caqliga leh waa kan khaladaadkiisa wax ka barta, oo aan mar kale ku celin.
10. Salaaddu Waa Isku Xidhka Ugu Weyn Ee Ilaahay:
Qoraagu wuxuu tilmaamayaa in salaaddu ay tahay habka ugu wanaagsan ee qofka muslimka ah uu Ilaahay ugu dhawaado, uguna helo xasillooni iyo farxad aan la barbardhigi karin wax kale.
Gunaanad:
Buuggu wuxuu qofka baraa sida uu u fahmi karo qiimaha salaadda, uga gudbi karo caqabadaha joojiyay, uuna naftiisa ula dagaallami karo si uu ugu dhowaado Ilaahay (swt). Wuxuu xasuusinayaa in salaaddu ay tahay furaha farxadda iyo guusha, loogana baahan yahay qof walba inuu u arko waajibaad si dabiici ah noloshiisa u hagaajinaya, halkii uu u arkayay culays.
Aisha Sheikh Ali 
Post Views: 78
Nagala Soo Xiriir
contact@xogbaahin.com