Waxbarashadu waxay qofka ka saartaa jaahilnimo, waxayna u horseedaa inuu fekerkiisa xor u noqdo, Waxbarashadu waxay kuu furtaa albaabada shaqada, ganacsiga, iyo horumarinta noloshaada.
Dadka waxbartay waxay bulshooyinka dhexdiisa ku yeeshaan sumcad, tixgelin, iyo hoggaan, Qofka waxbartay wuxuu si wanaagsan uga qaybqaataa horumarinta bulshada iyo xal u helidda dhibaatooyinka, Waxbarashada wanaagsan waxay kaalin ka qaadataa kobaca dhaqaalaha qofka iyo waddanka.
Cilmiga saxda ah wuxuu yimaadaa marka qofku fahmo diinteenna suuban sida salaadda, soonka, zakaadda, xajka iyo acmaasha kale ee waajibka ah.
Nebigu (NNKH) wuxuu yiri: “Markuu geeriyoodo banii-aadamku, waxaa go’a camalkiisii, marka laga reebo saddex sadaqo jaari ah, ilmihiisa uu baray cilmiga/Diinteena iyo cilmi uu ka tagay oo laga faa’iidaysto.”
Qofka cilmi diineed iyo maadi ahba leh wuxuu dareemaa degenaansho, yaqaan ujeedka nolosha, wuxuuna diyaar u yahay aakhiro, Qofka waxbartay wuxuu dadka kale u horseedi karaa hanuun iyo cilmiga diiniga ah, taasoo u noqota ajar aan dhammaan.
Haddii aad dadka barto cilmi, waxay ku xasuusan doonaan, ducooyin bay kuu akhrin doonaan, adiguna aad uga faa’iideysan doontaa mustaqbalka mida aakhiro.
Qur’aanka Kariimka ah wuxuu si weyn u dhiirrigelinayaa waxbarashada iyo raadinta cilmiga, Waxaa jira aayado badan oo muujinaya fadliga cilmiga, Aayaddii ugu horreysa Qur’aanka Kariimka ee soo degtay.
اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ
Waa aayaddii ugu horreysay ee Jibriil uu u keenay Nabi Muxammad (SCW) Waxay tilmaamaysaa in wax-akhrisku yahay furaha aqoonta, Waa astaanta ugu weyn ee Qur’aanka ka bilaabatay cilmiga.
Waa aayad si toos ah u amaanaysa cilmiga, Aayaddani waxay muujinaysaa darajada sare ee cilmiga iyo in dadka wax garanaya aysan la mid ahayn kuwa aan aqoonta lahayn.
Waa aayad muujinaysa in Alle ka cabsadaan kuwa cilmiga leh, Cilmiga waa sababta qofka u keenta khushuuca iyo cabsida Alle taas micnaheedu tahay in cilmi la’aan aysan qofka u suurtagelinaynin inuu si dhab ah u garto Rabbigiis.
Qur’aanka wuxuu si cad u muujinayaa in Waxbarashadu ay tahay farriinta koowaad ee Islaamka, Cilmigana uu keeno aqoon iyo cabsida Alle, Aqoonyahanaduna ay leeyihiin darajo gaar ah.