Waxa la soo tebiyaa in aqoonyahan caalim ah iyo ardaygiisil ay mar beeraha degaankooda tamashle ku soo mareen, lyaga oo saan-iyo-sawd-wadaag ah oo socodka ku sheekaysanaya ayay ku soo baxeen kabo calfo idlaaday ah oo uu bixiyay nin beeraley ah oo inta uu daalay meel ku yara nastay, isaga oo lafihiisana xoogaa quud ah u cunaya, addimadiisana yara nasinaya.
Wiilkii ayaa eegay barihiisii oo ku yidhi: “aynnu ka qarinno beerfalaha kabihiisa, ka dibna aynnu u dhuumanno oo aynnu eegno bal waxa uu sameeyo!”
Shiikhii barihiisa ahaa ayaa ugu war celiyay: “adeer; yaynaan ku madadaalan dadka kale arrin dhibaya oo aynnu kula kaftanno. Halka aad kabihiisa ka qarinayso ee aad dhibaatadiisa ka maadsanayso, miyaanay ka habboonayn in aad si kale madadaalo ku raadsataa. Waxa aad tahay hantiile, ka warran haddii aad kabihiisa lacag ugu riddo, ka dibna aynnu u dhuumanno oo aynnu eegno waxa uu sameeyo beerfalahaasi?”
Ardaygii wuu la dhacay soo-jeedinta barihiiisa, si degdeg ahna kabihii ayuu xoogaa lacag ah ugu riday, isaga iyo barihiisaasina waxa ay ugu gabbadeen dhirta daba deeda, si ay u indha’indheeyaan falcelinta beeroolahaas.
Daqiiqado yar ka dib ayuu beeroolihii shaqadiisii ku foof isyidhi. Markii uu kabtii addinka geliyay in ay wax ku jiraan ayuu dhaaday, haddii uu gacanta xuluuliyayna xoogaa lacag ah ayaa ka soo raacday, kabtii
kalena wuu ku deyay oo xantoobo lacag ah oo la mid ah ayuu ka helay, markaasuu ruugagga dhulka dhigtay, calaacalahana (baabacooyinkana) uu cirka u taagay isaga oo leh: “Ilaahayow waa mahaddaa! Waad ogayd in ay ubadkaygii gaajaysan yihiin, lacagtanina cunto ay ka dhergaan ayay u goynaysaaye!”
Markaasuu barihii jalleecay ardaygiisii oo uu ku yidhi: “miyaanay farxaddaadani ka roonayn haddii aad ka maadsan lahayd miskiinkaas dhibaatadiisa oo sidii aad markii hore doonaysay aad samayn lahayd?!”