*Dhalinyarooy,* wax yar oo joogto ah baa noloshaada wax weyn beddeli kara
Aug 4, 2025 -
Dhalinyarooy, adiga oo qorsheeyey inaad wax weyn qabato oo isleh “Wax weyn baad qaban doontaa,” balse markaad bilowdo ayaad ka niyad jabtaa adiga oo aan udhamaystirin sidii aad filaysay. Buugga Atomic Habits wuxuu ina barayaa in guusha weyn laga gaaro caadooyin yar yar oo si joogto ah loo sameeyo, ee aanay ka imaanin hal mar oo la sameeyo dadaal weyn.
Tani micnaheedu maaha in aad hal mar wax badan samayso, balse waa in aad maalin kasta wax yar qabato. Tusaale ahaan, halkii aad hal maalin 100 bog akhrin lahayd, waxaad akhrin kartaa 5 bog maalintii. Isbeddelku halkaas ayuu ka bilaawdaa.
Caadooyinka wanaagsan sida waqtiga ilaalinta, akhriska, jimicsiga, iyo salaadaha maalinlaha ah — waa dhagxaan yaryar oo aad ku dhiseyso mustaqbal adag.
Dhalinyarooy, ha sugin maalin weyn – ka bilow wax yar maanta. Wax yar oo wanaagsani oo joogto ah baa noloshaada dhan beddeli kara.
wanaagsan saaxiibayaal


Post Views: 88
Nagala Soo Xiriir
contact@xogbaahin.com