DUMARKU RAG MAAHA RAGUNA DUMAR MAAHA.


DUMARKU RAG MAAHA RAGUNA DUMAR MAAHA.

Raga iyo dumarka waxa jira qaladyo badan ooy galaan xiliga haasawaha oo ah in ay dareemadooda iney isku qaldaan yacnii midba midka kale inow ula dhaqmo sidow asiga rabo ragu dumarka waxow ula dhaqmaa sida raga ookale asigu sidow jeclaa in loola hadlo ayow ula hadlaa dumarkuna raga waxow ula dhaqmaan sidey ayaku rabaan sidaasna maaha wayo raga iyo dumarku isku si wax uma rabaan weliba waxay kala duwanyihiin heer aad moodid ineysanbo isku aduun joogin oo laba aduun oo ukala gaara ay joogan.

Ragu waa kala wadaha xariirada waa noole hadow fahmo Phycology yada dumarka gacanta kudhigi kara qofta oow jecelyahay sida ow jecelyahay inow ka helana wow kahelayaa waayo qofka dumarka ihi waxay usameysantahay hadey hesho waxay ubaahneed iney bixiso waxa looga baahanyahay xitaa ha xumaadane.

Ragu waa hogaamiye yaal wana sababta qawaamka looga dhigay xaga hogaanka iyo kala wadista arimaha dumarka waa uga fiicanyahay inbadan sidaas daraadeed ayaka dadaal dheerada ayaa looga baahanyahay iyo iney bartaan qeyb kamida dhaqamada dumarka koley ma wada baran karaane.

Ogowna adigoon ku calaacalin dumarku waa nuucan iyo nuucan qofta aad kahesho xooga dooqaga ah inaad waxyaabo badan kusoo kordhi karto nolosheeda waa hadii ad isdhisto e dumarku waa noole aad udhaga nugul markii sidagan wax loogu sheego balse tartan hadii loo bilaabo ogow loogama guuleysto waa noole xasaasi ah aadna utartan jecel ina ragow is dhis aad guri dhistide.

Qaladka kale ooy galaan lamaanuhu waa in aysan aqoon midba midka kale love language kiisa kaasoo Asna waxbadan qariba hadaan labaran. Sidaan horey qoraal uga sameeyaybo ragu waxay jecelyihiin si dareen ahaan ah inloola hadlo halka dumarku jecelyihiin in ladaryeelo lana daneeyo loosheekeyo lana dhageysto intaas hadey kaahesho dareenkeeda gacanta ayaad kuheysaa umaba baahnid inaad dhib umarto weliba ayadoo kufaraxsan ayeey kusiineysa dareenkeeda dumarku waxay xal uraadiyan in lafahmo in kabadan in lajeclaado jaceylkaba inla fahmo oo ladaneeyo mesha ay joogtana ay qiimo kuyeelato ayeey uyaqaanan hadaad uga baahantahay dareen daaryeel oo daneey aadna waxay jecelyihiin in loosheekeyo maanta jidka hadaad kuso aragtay labo mooto oo isku dhacday ood usheegto kalsoonideeda ayey xoojineysa waayo ayadu qofka ay ku kalsoontahay ayey usheekeysaa sidaasna wey dooneysa.

. Maah maah carbeed ayaa eheed “Hadaad dooneyso gabadhu iney malaa’ig kuunoqoto usameey jano ay kunoolato ileen malaa’igtu naar

kuma noolaatee”.

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *