*Fahanka Waxa Daruufi Keentay iyo Waxa Dadaal La’aanta Iyo Dayaca Nafsiyeed Keeneen*
Waxaa laga yaabaa in aad culaysyo badan oo nolosha kaa haysta aad dareemayso, waxaa xaqiiqo ah culaysyadaani ay jiraan sababo kugu keenay balse sababaha keenay labo midkood ayay noqon karaan__
* 1 waxay midi noqon kartaa daruuf aad adigu shaqsiyan sabab u ahayd taas oo aad keentay in aad hoos uga dhacdo halkii aad mudnayd- iyo
*2 daruuf adigu aada sabab u ahayn ee awood kaa baxsani sabab u ahayd laakiin adiga saamayn nololeed kugu yeelatay,
*Waxaa muhiim ah in bulshadeennu barato kala duwanaanta u dhexeysa *daruufaha adag ee nolosha* iyo *dadaal la’aanta ama dayaca shaqsiga ah*. Labaduba waxay keenaan hoos u dhac nololeed, balse sababahoodu waa kala duwan yihiin.
*1. Maxaa laga wadaa daruuf?*
Daruufaha waa xaalado adag oo qofka saameeya, asagoon sababsan. Tusaale ahaan:
– Qof nolol adag ku soo barbaaray.
– Xanuun ama naafo lama filaan ah oo ku yimid.
– Colaado, barakac, ama musiibo dabiici ah.
– Qabyaalad ama takoor bulsho iyo fursad la,aan_
Qofkaas uma baahna eedayn, wuxuu u baahan yahay *garab istaag, faham, iyo taageero nololeed oo lagu kobciyo hormar,
*2. Maxaa laga wadaa dadaal la’aan iyo dayaca shaqsiyadeed?*
Tani waa marka qof si cad uga gaabiyo mas’uuliyaddiisa nololeed, inkastoo uu haysto caqli ku filan, fursado iyo awood uu ku horumari karo:
– Ku raaxaysiga caajiska.
– Ka fogaanshaha shaqo, waxbarasho ama horumar.
– Iska indho-tirka khaladaadka nafsadeed.
– Ku eedaynta dadka kale waxa uu isagu dayacay.
Dadkaas waxay u baahan yihiin *wacyi, dhiirrigelin iyo in laga saaro niyad-jabka iyo laakiin waa in ay garoowsadaan in daruufaha haysta ay sabab u noqdeen ayagu ee aan laga dhigin mid ka xoog badisay,*.
*Maxaa muhiim ah?*
Waxaa muhiim ah in bulshadu ay barato *in aan la isku khaldin* labadaas xaaladood. Qof daruuf hayso, u baahan naxariis iyo garab, *looma eedayn karo sida mid isagu is dayacay*. Sidoo kale, qofka dadaal la’aanta ah, *looma cudur daarayo daruuf been abuur ah*.
*Gunaanad:*
Isbedelka bulshada wuxuu ku yimaadaa marka aan si dhab ah u fahamno waxa ay tahay daruuf, iyo waxa ay tahay dayacaad. Marka la kala garto labadan xaaladood, ayaa la gaari karaa xal dhab ah — mid ku saleysan garasho, cadaalad, iyo horumar.
#dhiiragalinbusho #bandhigbulsho
#fadlanlawadaag