Farqiga U Dhexeeya Saaxiibtinimada Dumarka Iyo Tan Ragga


May be an image of 4 people and twilight

Immisa saaxiib ayaan leenahay? Sidee bay noogu kala wanaagsan yihiin ama nooga dhow yihiin? Sidee ragga iyo dumarku u doortaan saaxiibadda?
Xeeldheeraha Cilmi-nafsiga ee caanka ah ee u dhashay Ingiriiska, Robin Dunbar iyo barafasoor ka tirsan Jaamacadda Oxford, ayaa darsay mawduuca saaxiibtinimada sannado badan.
Qoraaga in ka badan 20 buug, oo ay ku jiraan buugaagta kala ah ‘Saaxiibtinimada’, ‘Sayniska Jacaylka’ iyo buugga’Odyssey of Humanity’, oo ay la hadashay BBC-da si ay u ogaato wax badan oo ku saabsan farqiga u dhexeeya saaxiibtinimada ragga iyo dumarka, iyo sax ahaanshada fikradaha qaldan ee inta badan loo nisbeeyo mowduucyadaan ayaa sharxaad ka bixiyay mowduucyada ku gedaaman arrintaan.
Maxay ku kala duwan yihiin Saaxibtinimada ragga iyo tan Dumarka?
Waxaa lagu kala saaraa inta badan xoojinta xidhiidhka.
Saaxiibtinimada dumarku waxay u muuqdaan inay yihiin kuwo dareen ahaan aad u sareeya, taasoo ka dhigaysa inay noqdaan kuwo firfircoon. Saaxiibtinimadoodu waxay ku salaysan yihiin inta badan kooxaha ay ka kala tirsan yihiin, halka raggu ay u muuqdaan inay sameeyaan naadiyo saaxiibtinimo.
Guud ahaan, saaxiibtinimada dumarku waxay la mid yihiin qaabka xiddigaha, halkaas oo saaxiib kastaa uu saaxiibo gaar ah la leeyahay , laakiin lama huraan waxaa ah in ay jiraan saaxibo guud iyo kooxo lagu mideysan yahay.

Farqi nocee ah ayaa udhaxeya saxibtinimada ragga iyo tan dumarka ?

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..