Fooshu waa xanuun balse waa xanuunka ugu barakada badan ee dunida.
Marka hooyo ay foosho dareento ma aha oo keliya xanuun jireed ee waa safar nafeed waa dagaal u dhexeeya daal iyo geesinimo, cabsi iyo kalsooni, murugo iyo farxad isku mar ah. Waa daqiiqadaha ay haweeneydu u gudbeyso heerka ugu sarreeya ee naxariisda iyo awoodda bani’aadamka. Daqiiqad kasta oo xanuun ah waa daqiiqad ay nolol cusub diyaarineyso waa daqiiqad ay qalbigeeda iyo jirkeedu isu biirayaan si ay ifka u keenaan naf kale.
Hooyadu waa qofka keliya ee nafta u hura si naf kale u noolaato. Qof kasta oo dunida jooga wuxuu halkaas ku yimid iyada oo hooyo xanuun badan lasoo martay haddana dhoolla caddeyn ugu dambeysay markay codka ilmaheeda maqasho.
Fooshu waa mid ka mid ah mucjisooyinka Ilaahay dunida ku muujiyay. Waa safar lagu dareemo daciifnimo balse lagu kasbado sharaf iyo karaamo aan la qiyaasi karin. Waa xanuun lagu bixiyo jacaylka ugu saafi san mid aan qiimo lagu cabbiri karin. Fooshu waa cashar Waxay ku baraysaa dulqaad iyo adkeysi Waxay ku xasuusinaysaa in noloshu mar walba ka dhalato xanuun laakiin xanuunkaas uu keeno rajo iyo nolol cusub. Waxay muujisaa jacayl aan xad lahayn midka keliya ee ka xoog badan xanuun kasta.
Marka ilmuhu dhasho dhoolla caddeynta hooyada waa sida iftiin ka baxa xanuunkaas oo dhan. Waa ilayska guusha waa caddeynta in dulqaadka, ducooyinka, iyo kalsoonida Alle aysan weligood khasaarin
Hooyadu waa geesiyad aan hub wadan balse qalbi bir ah leh. Waa qofka uu Alle ku mannaystay awood aan la fahmi karin taasoo u saamaxda inay u adkaysato wax aan qof kale u adkaysan karin.
Hooyo, haddii aad hadda foosho marayso ama dhawaan mari doonto Ogow in xanuunka uu yahay qayb ka mid ah safarka quruxda badan ee hooyonimada. Qof walba oo kaa horreeyay ayaa maray qof walbana wuxuu dareemay cabsi iyo rajo isku mar ah. Laakiin mid kasta oo ka soo baxay safarkaasi wuxuu noqday qof la jecel yahay, la ixtiraamo, oo la yidhaahdo “Hooyo.”
U naxariiso naftaada u neefso si qoto dheer ogow in Alle kuu dhow yahay daqiiqad kasta. Qof kasta oo ku jecel wuu kuu duceynayaa.
Ilaahay ha kuu fududeeyo xanuunkaas ha kugu baddalo xasillooni, farxad iyo caafimaad sugan. Ugu dambeyntana ha kaa dhigo hooyo barakaysan oo carruurteedu noqdaan kuwa naxariis iyo nuxur leh.