*Go’aanka Waa Awood – Caqabaduhuna Waa Imtixaan*


*Go’aanka Waa Awood –
Caqabaduhuna Waa Imtixaan*

Go’aanku waa bilowga isbeddel kasta oo nolosha ah. Waa awoodda qofku leeyahay si uu u doorto dariiqa uu rabbo inuu noloshiisa u jeexdo. Mar kasta oo aad go’aan sax ah qaadato, waxaad bilowday inaad naftaada saarto jiho cusub waxaadna tustay in aad diyaar u tahay horumar, xanuun iyo guul midkood ah__

Haddana, mar kasta oo go’aan weyn la qaato, lama waayo caqabado. Waa run — guusha waxaa ka horreeya imtixaano adag, niyad-jabyo, dareen kala kala gadisan , iyo mararka qaar adiga oo iisweydiinaya: “Ma saxanahay ahay?”

Laakiin ogow, guusha dhabta ah waxay timaadaa marka aad u adkaysato caqabadaha oo aad ku dhiirrato inaad ka gudubto. Caqabaduhu waa qayb ka mid ah safarka — waxay ku baraan adkaysiga waxay kuu noqdaan casharo, waxayna kuu muujinayaan inaad leedahay karti aysan dad badan lahayn.

*Ha ka cabsan khaladaadka iyo dib u dhacyada. Ha sugin xaalad qumman. Hana u ogolaan cabsi ama doodaha dadka kale inay go’aankaaga xiraan.

*Xusuusnow: *go’aanku waa tallaabada ugu horreysa ee guusha, caqabaduhuna waa buundo aad u marayso yoolkaaga.*

*Gaba-gabo*
Marka aad maanta go’aan adag qaadato, waxaad dhisaysaa mustaqbal aad adigu doortay. Guushu ma timaado si sahlan, laakiin waxay u timaadaa kuwa aan ka baqan jidka adag.

*guushu waxay ku xiran tahay go,aan adag*

#dhiiragalinbusho #bandhigbulsho
#HealthAwareness #wacyigelinbulsho

#fadlanlawadaag

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..