Guurka Soomaalidu waxa uu ku dhisan yahay dhaqan la diimeeyay oo marka loo fiirsado leh goldaloolooyin lagu gali karo gaboodfallo. In faro badan waxa laga keenay fiqiga oo ah aragtiyo ay badankooda rag ka dhanbaleen diinta, waliba waqti aad u fog! Metalan marka aad eegto qeexitaannada guurka waxa aad arkaysaa in uu dhinac ka raran yahay oo waxa ay madaahibtu ku soo ururiyaan, iyaga oo wax ku kala duduwan, in guurku yahay; ‘Ninka oo hantiya xaqa ku raaxaysiga xubinta taranka ee naagta, taasi oo uu ku mulkiyayo eray iyo meher’.!
Markaa waxa la kala iibsaday waa xubinta taranka ee gabadha ee ma aha midda ninka. Sidoo kale, cidda raaxada leh ee iibsatay waa ninka ee ma aha gabadha. Halkaas ayaa ay madaahibta qaar kala soo baxeen in ninku uu naagta u galmoon karo marka uu rabo ee ka baxsan waqtiyada ay diintu diidday, iyadu ma diidi karto waanu qasbi karaa, se si middaa ka duwan, iyadu kuma qasbi karto in uu u galmoodo oo xaqaas ma laha sababta oo ah xubintiisa ma ay mulkiyin.
~BUUGGA DABINKII JIRAALKA,