Ka Adkaaw Cabsida;


May be an image of 1 person

Cabsidu ma aha dareen iska gudba oo mar keliya ku dhaca, balse waa xaalad nafsiyeed urursata oo ka dhalata kalsooni la’aan iyo waayo-aragnimo yar. Haddii aan la daweyn, waxay xannibtaa fikirka, damisaa doonista, kana qaadaa qofka awoodda uu ku qaado go’aan iyo ficil.
Cabsidu waa hoos-u-dhac iyo dulli, waayo qofka qaba wuxuu noqdaa maxbuus ku jira shakiga iyo dib u dhaca. Ma go’aansan karo, mana difaaci karo xaqiisa, mana muujin karo naftiisa. Sidaas ayuu qofku ugu dambayn u noqdaa raacsade, ee aan hoggaamiye ahayn.
Ka fogaanshaha dadka naftiisa kama aha xishood keliya, balse waa caqabad bulsho oo khatar ah. Waxay jartaa xiriirrada, waxay keentaa go’doon iyo cidlo, waxayna ka hor istaagtaa qofka fursadaha uu ku kori karo oo ku saamayn karo dadka kale.
Laakiin xalka wuu jiraa.
Cabsida waa la burburin karaa, kalsoonida waa la dhisi karaa, geesinimadana waa lagu beeran karaa. Geesinimadu ma aha in aad cabsida ka maqnaato, ee waa in aad ku dhaqaaqdo adigoo cabsanaya haddana go’aan qaadanaya.
Markaad barato sida loo maareeyo cabsi, waxaad ogaanaysaa in xoog iyo fursad qarsoon ay ku jirto gudahaaga. Tallaabo kasta oo yar oo aad qaaddo waxay kaa dhigeysaa mid xoog badan, kalsooni badan, iyo mid xorriyaddiisa nololeed soo ceshaday.
Ha u oggolaan cabsi in ay noqoto xadhig ku xira. Halkii aad ka noqon lahayd maxbuus, dooro inaad noqoto hoggaamiye naftaada.
Haddii aad cabsida hoggaanka u dayso, weligeed ma ogaan doontid awooddaada dhabta ah.
Cabsidu waa darbi maskaxda ka dhisan, geesinimaduna waa furaha jebiya.

#Nasiib wanaagsan

Firuse Yusuff  (Unique)

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..