Ka Digtoonow Xiriirada Dadka Aan Laheyn Garashada Dareenka (Emotional Intelligence):


May be art

Kuwani waa dadka aan waligood si dhab ah u fahmi doonin dareenkaaga Waxay u rog-rogayaan erayadaada, u turjumaan niyaddaada si khaldan, wax walbana waxay ka dhigi doonaan wax ku saabsan naftooda. Mar kasta oo aad isku daydo inaad la wadaagto dareenkaaga waxay iska indhatiri doonaan dareenkaaga,Xudduud kasta oo aad isku daydo inaad dejiso, waa la dhaliili doonaa oo la iska indhatiri doonaa, ama lagugu rogi doonaa. Joogitaanka agtooda waxaad ku dareemaysaaa daal maskaxeed.
Waad hadashaa, laakiin qofna si dhab ah uma maqlo hadalkaaga dareenkaaga joogitaanka agtoodda waxay hoos u dhigtaa kalsoonidaada, qiimahaaga nafeed, iyo nabadda maskaxdaada.
laakiin marka qof uusan maamuli karin dareenkiisa, waxaad si aan ikhtiyaar lahayn ugu dhex jirtaa jahwareerka noloshooda.
Haddii qof waligaa uusan kuu sheegin, hadda waan kuu sheegayaa: si taxaddar leh u fiirso cidda aad noloshaada u oggolaanayso.
Naftaada ku hareeree dadka leh garashada shacuureed,wacyi Nafeed,naxariista, iyo kuwa awoodda inay xakameeyaan shacuurtooda,dareenkooda,Kuwani waa dadka kaa arki kara sidii aad tahay, ku maqla adigoon hadlin, sidookale xudduudahaaga ixtiraama ayagoo xanaaq lahayn.
Noloshaada, nabaddaada, iyo qalbigaaga waa wax Qiimo leh haku aaminin dad aan lahayn faham shacuureed Naxariis iyo xakamayn Nafeed.
Ugu dambeen si xikmadaysan udooro ilaali booskaaga shacuureed,hana kuwa qanacsanaan waxkayar qadarin laโ€™aan_sidookale Noloshaadda iyo nabadaadda haku aaminin qof aan isxakamaynkarin,dadka aan lahayn garaad shacuureed waxay Wiiqaan xasilloonidda Naftaada,Naftaada ku hareeree dad kumaqla oo fahma garaadkaaga shacuureed.
Firuse Yusuff

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..