Ma Rabtaa Guur Guuleeustay


Ma Rabtaa Guur Guuleeustay

 

1=Ma rabtaa guur Aflaxay Waa in aad ku xulato qofka astaamihii diintu ina fartay ee dhinaca xulashada lamaanaha: Maslaxadda shakhsiga iyo ta mujtamacuba waxay ku hagaagtaa marka lagu dabakho shareecada diinteena islaamka, waana sababta aynu mudnaanta koobaad u siinay in lagu xusho lamaanaha xulashadii xaqqa aheyd

 

2=Waa in aad isku daydo inad si fiican u barato dhaliilaha guud ee qofka: Qof kasta oo aadame ahi waxa uu leeyahay tuuro iyo tilmaamo lagu dhaliilo, kuwaas oo ah waxyaabaha qofku aanu ku wanaagsaneyn, hadabo waxyaabahaas waxay kala yihiin waxyaabo guud, oo cid kasta oo ay qofkaas is bartaan uu si fudud u ogaan karo, iyo waxyaabo gaara oo uu ogaan karo qofka keliya ee nolosha ay qaybsadaan, kaas oo gogosha iyo gasiinkaba ay wadaagaan

 

Sidaa darteed waa in aad isku daydo inaad barato dabeecadahaas guud, sida, diinta, dulqaadka, heerka cadhada, waaya aragnimada, cilmiga, fahamka, xaragada ama is qurxinta, soo noqoshada, iwm, dhamaan waxyaabahan aynu sheegnay waxad ku ogaan kartaa markad qofka ku sameyso baadhitaan iyo tijaabooyin joogto ah, sida, inad su,aalo adag weeydiiso, inad wakhti dheer ka sheekaysiiso, inad tusto dabeecado kala gadisan, iyo is bedel dhinacaaga ah, taasina waxay keenaysaa inad la baxdo xaalada iyo dhaqanka guud ee qofka

 

3=Waa in aad qofka u muujiso waxyaabaha aad ku xuntahay ama ku liidato: waa muhiim inad jeclaato una ogolaato in qofku barto iimahaaga iyo meelaha aad ku liidato, sidad adiguba u jeceshahay inad barato iskana ogaato meelaha qofku u xunyahay, taasi waxay door weyn ka qaadaneysaa inu qofku qiyaasi karo inu kula noolaan karo, waayo hadaad u deddo qofka xumaantaada iyo xaaladahaaga qarsoon waxa dhici karta inu khilaaf yimaado marku ogaado, sidaana uu qoysku ku bur-buro

 

4=Waan in aad qofka aad dooratay wada jeexdaan dawgii iyo dariiqii noloshiina mustaqbalka Ragga soomaalidu waxay odhan jireen “dumar beenbaa lagusoo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa” Hadabo xaqiiqadu taas maaha!, qofka hadii aad nolol wadaageysaan waa in aad runta ka sheegtaan duruufta, dareenka, iyo duunyada aad haysataan isla wakhtigaas aad haasaawa wadaaga tihiin, oo aaney ku jirin waxyaabo la rajeynayo oo aydaan gaadhin, isla ogaanshaha danta iyo duruufta iyo wax kasta oo runta lagu saleeyo natiijadeedu waa khilaaf la,aan mustaqbal, iyo kala raali ahaansho waarta

 

Qodobkee Ka heshay Adiga

 

Hadaad ka heshay la wadaag Asxaabtada Mashkuu ran wall ҒᏞϴᏔ ᎷᎬ Àŕmàãñ Maĺíķ

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..