Maqaal Ku Saabsan Dadkaygoow!
Aug 3, 2025 -
Saddex waxaynu kadhaxalnay saddex
Dowlad xumida waxaynu kadhaxalnay dulinimo dadeed ee aan dhamaad lahayn.
Faqriga waxaynu kadhaxalnay tuugsi aan xishood iyo sariigasho lahayn shacab iyo madaxba.
Dagaalka sokeeye waxaynu kadhaxalnay tiro yaraan tacliin yari tacadi biri magaydo
Hayaan haldoor iyo huqwaayeel.
Mala joogaa waqtigii aduunka aan culayska
Kadul qaadi lahayn isku tashan lahayn
Amuuraha ina haysta ee aan dadyowga
Aduunku inala wadaagin geed hoostiis
Ku falanqayn lahayn kadibna xaldhexdeena ah
Kagaari lahayn magaranayo dadkeena khibrad
Ugu dhiman silica ayla soonolayeen nusqarnigii
La soo dhaafay mana jirto cid inookeenaysa
Talo kafiican mida kujirta haldoorka iyo guud
Ahaan bulsho waynta soomaaliyeed oo xaalkeda
Iyadu sifiican u og.
Aragnay waxaan kadhaxalnay qorigii,qows udirirkii qaybsanantii iyo quursigii dhexdeena ee madaymonaa dhenka
dibu heshiisiinta
wadanoolanshaha
Wax wada lahaanshaha
Waxbarashada xirfadaysan
Iyo guud ahaan wax walba
Ee bulsho ujeediya dhanka horumarkeeda.
Magaranayo waqtiga
Wax garadka dadkaygu israadsan doono
Deedna ufariisan doono danaha dayacan
Ee dadkaan quusta marayo
allow talada tii roon.
W/Q:Mudalib Qaalow.
Post Views: 31
Nagala Soo Xiriir
contact@xogbaahin.com