Mararka qaar ma is aragtaa adigoo u baahan jacayl ka badan kan caadiga ah?


Mararka qaar ma is aragtaa adigoo u baahan jacayl ka badan kan caadiga ah?

Ma aha kaliya in lagu jeclaado, balse aad rabto naxariis badan, daryeel joogto ah, kolkolin iyo dareen si xad dhaaf ah u buuxa. Xitaa mararka qaar waxaad dareemaysaa in jacayl caadi ah uusan ku qancin, oo aad u baahan tahay mid kaa buuxiya meel aad adigu garan wayday.

Markaas ayaad is weydiisaa:

Maxaan sidaan oo dhan ugu baahanahay jacayl?

Maxaa iga dhigay qof aan ku qanci karin wax yar?

Sababta baahidan xad-dhaafka ah xaggee bay ka timid?

Su’aalo badan ayaad maskaxda iska gelisaa, mararka qaarna waad is eedaysaa. Laakiin marka aad si qoto dheer u fiiriso, waxaad ogaanaysaa in dareennada aad maanta raadinayso ay yihiin kuwii aadan helin yaraantaadii. Jacaylka, naxariista, iyo amniga qalbi ee kaa maqnaa carruurnimada ayaa maanta kuu noqday baahi aan dhammaanayn.

Runta ayaa ah: sida uu qofku u soo koray ayaa si weyn u saameeya sida uu u dareemo marka uu weynaado. Dareennada aadan helin adigoo yar, waxay raad reebaan noloshaada dambe gaar ahaan marka aad xiriir gasho. Qofka noocaas ah wuxuu noqdaa mid si fudud u jeclaada, si fududna u dhaawacma.

Qofka aan yaraantiisii helin jacayl ku filan, marka uu arko qof yar oo naxariis u muujiya, wUxUU u qaataa inuu helay wax uu cimrigiis oo dhan raadinayay. Wuxuu u maleeyaa in jacaylkaas yar uu yahay riyadiisii oo rumoowday. Laakiin marka xiisihii bilowga ahaa yaraado, ama jacaylkii badnaa hoos u dhaco, qofkaasi wuxuu ku dhacaa cidlo iyo wareer uu fahmi waayo.

Dad badan oo sidan dareema, ma raadinayaan ciyaar ama wax sahlan. Waxay raadinayaan jacayl dhab ah, mid buuxiya qalbiga, mid dejinaya nafta. Laakiin nasiib darro, intooda badan ma helaan jacaylkaas ay sida qoto dheer ugu baahnaayeen

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *