Marka noloshu aysan kuu reebin doorasho kale aan ka ahayn inaad adkaysato (ama xoog yeelato)


Marka noloshu aysan kuu reebin doorasho kale aan ka ahayn inaad adkaysato (ama xoog yeelato)

 

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu fiican ee aad naftaada u qaban karto waa inaadan wax kasta ka dhigin wax ka weyn intay yihiin.

 

Haddii aad murugto? Caadi. Laakiin ha u oggolaan murugada inay kugu nagaato ka badan intii loo baahnaa. Waqtigaaga qaado, fikirkaaga ururi, maskaxdaada hagaaji, ka dibna sii wad.

 

Ha ku dhegganayn wax kasta si xad-dhaaf ah.

 

Waxyaabo dunida ka jira ayaa mudan inaad ka fikirto oo aad waqti siisid, waxyaabo kalena waa wax aan qiimo lahayn; haddii aad xoogga saarto, waxay ku dhameyn doonaan adigoo daallan oo waxba ka faa’iidin. Mararka qaarkood waxaad is aragtaa adigoo ka niyad-jabsan hadal qof yidhi ama dhacdo yar, oo aad maskaxda ku celcelinayso ilaa aad dareento in adduunku uu istaagay halkaas. Laakiin runta? Waxba ma joogaan sidii hore, wax walbana muddo ayey leeyihiin, xitaa murugada.

 

Xalka ma ogtahay? U oggolow naftaada inaad dareento, laakiin ha siin wax kasta ka weyn intay yihiin. Ha murugoon wax ka badan saacad; waqti qaado, faham, fikirkaaga ururi, ka dibna go’aanso inaad sii waddo. Ha ku mashquulin “maxaa sidaas u dhacay” iyo “maxay dadka sidaas u sameeyaan,” inta badan jawaabuhu ma beddeli doonaan xaqiiqada.

 

Dadka si dhaqso ah u hagaajiya maskaxdooda oo u fiirsada waxa muhiimka ah, iyagaa nolosha ku nool si daggan,Dunidu way socotaa, waxna ma istaagaan,wax walbana way is beddelaan. Murugo maanta ugu dhacday macnaheedu ma aha in noloshaadu dhammaatay,dhicitaanka mar keliya macnaheedu ma aha inaadan mar kale istaagi karin.

 

Neef soo jiid, arag arrinta meel fog, oo weydii naftaada: “Miyaan arrintan ka murugoon doonaa sanadka dambe?” Haddii jawaabtu tahay maya, haddaba ha u oggolaan inay maamusho maalintaada.

 

Nasashada dhabta ahi kuma jirto in adduunku sida aad rabto u socdo, maxaa yeelay taasi marnaba dhici mayso. Nasashada dhabta ahi waxay ku jirtaa inaad la heshiiso in noloshu sidaas u socoto oo adiguna aad la socoto, halkii aad ka joogi lahayd hal meel aan qiimo weyn ku lahayn sawirka weyn ee nolosha, Maalinta aad naftaada la heshiiso waa maalinta aad si dhab ah u xoroobi doonto.

 

Wax ka tag si aad u hesho wax kaa maqna, wax ku dhag si aad u waydo waxad rabto!

 

#inspiration

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..