Marka wax walba kugu xeeran is beddelaan… adigana beddel waxa ku jira gudahaaga
Mararka qaarkood waad toostaa adigoo arkaya in dunidii aad shalay taqaanay aysan maanta sidii ahayn,Wajiyadii way is beddeleen,Ma dooran karno xawaaraha isbeddelka dunida, laakiin waxaan leenahay awoodda ugu muhiimsan,sidii aan uga jawaabi lahayn,Marka wax walba is beddelaan, ha raadin nabad dibadda,eeraadi gudahaaga, waayo gudahaagu waa dhulka keliya ee aad dib u dhisi karto sidaad rabto,Adduunku cidna ma sugo
Miyaad dareentay sida ay wax walba u is beddelayaan si xawaare aan hore loo arag?
Fikradaha, xiriirrada, shaqada, xitaa sida aan nolosha u fahanno,Dunidu waxay ku jirtaa “hab horumar joogto ah,Isbeddelku maaha jab, waa geesinimo,Dad badan waxay u arkaan isbeddelka inuu yahay aqbalidda daciifnimo ama guuldarro, sidaas darteed way istaagaan cabsi darteed.
Laakiin run ahaantii, isbeddelku waa astaanta ugu weyn ee awoodda,Inaad is beddesho waa inaad diyaar u tahay inaad wajaho naftaada, inaad aqoonsato dhaawacyadaada, oo aad tiraahdo: “Waxii i keenay halkan, ima gaarsiin doono halka xigta.”,Guul kasta oo cusub waxay bilaabataa tallaabo isbeddel ah oo xanuun leh,Sida masasku u tuuro maqaarkiisa si uu u sii noolaado, annaguna waa inaan ka tagnaa fikiradii duugoobay, xiriiradii daalay, caadooyinkii nagu gubayay, iyo xusuustii na dhaawacaysay,Isbeddelku maaha inaad naftaadad dulmin , waa inaad dib u dhisto nooc cusub oo bisil.
Adiga ayaa go’aansanaya inaad noqoto abuuraha isbeddelka, ee aan noqon dhibbane,isbeddelku macnaheedu maaha inaad lumiso,Isbeddelku maaha inaad noqoto qof kale, waa inaad naftaada runta ah dib u soo celiso,Ma lihid inaad abuurto qof cusub, waa inaad ka nadiifisaa boodhkii nolosha ee kugu dul fadhiyay,Sidaas darteed, isbeddelka dhabta ahi ma tirtiro asalka, ee waa muujiyaa
Markaad is beddesho, ha ka dhigin ujeeddada ugu dambaysa inaad “gaarto”, balse inaad fahanto.
Waxaad ogaan doontaa inaad xoog lahayd balse aadan isticmaalin,Inaadan u baahnayn oggolaansho dadka, ee aad u baahnayd heshiis naftaada ah
Isbeddelku maaha dhammaad waa bilow safar cusub oo adiga kugu saabsan,Adduunku maalin kasta wuu is beddelaa, waana xaqiiqo,Laakiin farxadda runta ahi waxay ku jirtaa ogaalka in annaguna awood u leenahay isbeddelka.
Marka wax walba is beddelaan, ha cararin u fiirso gudahaaga,Noloshu maaha tartan lagu sii ahaado sidii shalay, waa casuumaad joogto ah oo aad u noqoto qofka aad u dhalatay.
Marka aad beddesho gudahaaga, duniduna si lama filaan ah ayay isu beddeshaa,Isbeddelka dhabta ahi maaha amar dibadda ka yimaada waa iftiin ka soo baxa gudaha Naftaada!
#Nasiib wanaagsan saxiiib
https://www.facebook.com/share/1D6LpyxKFz/