Maskaxda — awoodda Nolosha hagta,”*
In kasta oo dunidu ku tiirsan tahay mashiinno casri ah, hal mashiin ayaa ka awood iyo qiimo badan dhammaantood — *waana maskaxda bini’aadamka.* Maskaxdu waa tan wax abuurta wax beddesha, wax dhista, waxna burburisa. Waa tan wax bartay, wax baraysa, hormarinaysa dunida inteeda kale.
*Maskaxdaadu waa hantidaada ugu weyn.* Waa mashiin kugu dhex yaalla oo aan la iibsan karin, aan la dayman karin, mana jirto cid si dhab ah kuu beddeli karta haddii ay kaa xumaato.
Waa halka ay ka timaaddo:
– Qorshahaaga nolosha,
– Go’aamada saxda ah iyo khaladaadka,
– Dadaalkaaga iyo niyad-jabkaaga,
– Riyadaada iyo rumaynteeda.
*Bulsho ahaan*, haddii aan rabno in aan hormarno, nabad gaarno, dhibaatooyinka dhaafno, ma aha in aan xoog badan yeelano, ee waa in *maskax caafimaad qabta, furan, feker badan, iyo mid hal-abuur leh* yeelanno.
*Fariinta qoraalkani waa mid kugu dhiirrigelinaysa:*
– Ka shaqee kobcinta maskaxdaada.
– Akhri, la sheekayso dadka wax garadka ah, la tashi samee, wax bar adna baro_.
– Iska ilaali fikirka xun iyo caadooyinka burburin kara awooddaada maskaxeed,
*Maskaxdaadu waa mishiinka ugu weyn ee noloshaada dhaqaajiya — haddii aad horumariso, adiguna waad horumari doontaa, bulshadana waad dhisi doontaa.*
#CaafimaadkaMaskaxda
#HealthAwareness #bandhigbulsho
#fadlanlawadaag