Maskaxdaada Ma Nasanayso — Ka Bax Xabsiga Guriga.
Jan 4, 2026 -
Ma ogtahay in hadii toddobaadyo aad joogto gudaha guriga aysan ahayn caajisnimo, balse ay tahay daal maskaxeed Psychology-gana waxa uu ugu yeedhaa mental rumination maskaxdu waxay ku dhex wareegtaa fikirro isku soo noqnoqanayo , walbahaar, iyo scrolling aan dhammaad lahayn.
Haddii aad 3-am subaxnimo weli telefoonka ku wareegayso oo isla fikirradaas ku mashquulsan tahay,ogow maskaxdaada looma dhisin afar gidaar iyo shaashadaha mobile-ka aan kala go’a lahayn. Waxa ay u baahan tahay dhaqdhaqaaq jireed, qorrax, la sheekaysi dhab ah, iyo waayo-aragnimo cusub.
Qur’aanku wuxuu tilmaamayaa muhiimadda xasiloonida maskaxda iyo ruuxa. Ilaahay wuxuu ina farayaa inaan ka baxno kalinimada, bulsho la falgalno, oo aan ku mashquulno camal faa’iido leh. Sida Nebigu (NNKH) tilmaamay ka shaqaynta wanaagga iyo la falgalka bulshada waa qayb ka mid ah daweynta ruuxa iyo maskaxda.
Jiilka maanta ee Soomaaliya waxa uu la kulmaa shaqo la’aan, colaado deegaan, adeegyo bulshada oo xaddidan, iyo fursado madadaalo oo kooban. Taasina waxay dhalinyarada ku riixeysaa guryaha muddo dheer, taasoo kordhisa fikirka isku soo noqnoqanaya, kalinimada, walbahaarka, iyo niyad-jabka.
Dardaaran iyo gabagabo:
Ha u ogolaan maskaxdaada inay noqoto “xabsi”. Dibadda u bax, beddel jawiga, dhaqdhaqaaqi jirka, la hadal dadka, oo ka bax silsiladda fikirka. Isolation-ku maahan nasasho waa dhimasho tartiib ah. Aragtida sayniska iyo Islaamkuba waxay isku raacsan yihiin caafimaadka maskaxda iyo ruuxa waa muhiim, waxaana loo baahan yahay in la sameeyo waxyaabo nolosha ku cusub oo farxad iyo nasasho keena.
Xigashooyin:
• Psychology Today – The Hidden Cost of Mental Rumination
• Qur’aan Kariim & Sunnah
Post Views: 126
Nagala Soo Xiriir
contact@xogbaahin.com