Maxaa Macna U Sameeya Shahaadada Waxbarasho ?


May be an image of 2 people

Dhallinyarada heerarka kala duwan ee waxbarasho ka qalin-bedelanaysa, Shahaadada aad qaadanaysaan waa marqaati ka turjumaya dadaalkiinna iyo waqtiyadii adkaa ee aad u soo hurteen waxbarashada. Laakiin waxaa muhiim in la fahmo: shahaadadu ma ahan dhammaadka safarka, ee waa bilow cusub oo masuuliyad culus leh.

Dunida maanta kuguma qiimeyso cinwaanka aad sidato, balse waxay kugu qiimeynaysaa waxa aad qaban karto, xalalka aad keeni karto, iyo saamaynta togan ee aad bulshada ku yeelan karto.
Shahaadadu waa fure, laakiin waxa ka dhiga mid wax tar leh waa shakhsiyadda wanaagsan iyo daacadnimada qofka. Qof aan lahayn hab-dhaqan iyo edeb, xitaa haddii uu haysto shahaadooyin badan, wuxuu la mid yahay qof gacanta ku haya furayaal aan waxba furi karin.
Waxaa Shahaadada macna u sameeya waa hab-dhaqanka qofka iyo Shaqsiyaddiisa. Intaas wixii ka soo hara waxa ay iska ahaanaysaa waraaq ama xaanshi. Waxbarashada dhabta ah waxaa laga arkaa hab-dhaqanka qofka iyo Shaqsiyadiisa. Hadii qofkaasi wax buunbuunin ah iska sheego iyo hadii ay dadka wax ka sheegaanba intuba waxay ahaanayaan dhimaal ama dheeraad.
Hadaba dhallinyaro, ku dedaaala in hab-dhaqankiinna iyo qiyamkiinnu ay ka sareeyaan waraaqaha aad sidataan. Waxaan idin rajeynayaa nolol qurux badan.

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..