Maxamed ayaa sheekadan ila wadaagay….


Waxaan Canada ka wada Nimi Hooyadey aniga iyo Walaashey iyo Walaallkey iga yar, Dalxiis ayaan u nimi Nairobi kadibna waxaan qorsheynayey markaa laabano in Gabar aan xiriir la lahaa aan isguursanno, arintaasna Hooyadey waa ogayd marki aanse Nairobi nimi ayeey wax kasta isbedeleen hubaashi.
Hooyo ayaa Hotelka galab iga soo kaxaysay waxayna I keentay Maqaayad kutaal BBS Mall, aniga iyo iyada kaliya kadibna waxay igu tiri Maata waxbaan rabaa in aan kuu sheego, Maskaxdayda waxay I weediinaysay Hooyo tolow maanta maxay kuu sheegi rabtaa?
Marki ay Saacad iyo dheeraad kasoo wareegatay meeshina aan fadhino ayaan ku iri Hooyo ii sheeg waxaa I oran rabtay inraas ka badan ma sugi karo, Hooyo markiba sheekada waa ay ii bilowday iyadoo aan wajigeeda ka dareemayo cabsi iyo dhidid badan…
Hooyo waxay hadalkeedi ku bilowday ” Wiilkeygi waa run anigaa kusoo korsaday oo dhib la’aan ku dhalay, laakiin waxaa jira wax aan mudo 20sano ka badan kaa qarinayey taas oo ah in aanan ahayn hooyadaa Saxda ah, dhaxalna aadan la wadaagin Walaalahaa kaa yar, Hooyo Ilmo yar adoo ah ayaa Gurigeena iridiisa lagu soo dhigay Aniga ayaana Banaanka kaa soo qaaday, Odayga Gurigana wuu ila qaatay in aan ku korsanno AUN, sidaas ayaad Ilmeheena uga midnoqotay, mana jirin cid kusoo raadsatay ama kaa daba timi, ilaa aad noo raacday Canada barnaamijka Group 5ka oo aan kugu kexeeyey in Walaashey ku dhashay oo aniga aan kusoo korsaday, Hooyo waan dareemi karaa arinkan xanuunka ay leedahay laakiin markan waad weynaatay runtana lagaama qarin karo, tan kale In aad Gabar doonato ayaad rabtaa Masuuliyad ayaa imaaneysa meesha in aan runta kuu sheego maantana ka fursan meyso”
Hooyo hadalkan Markey ii sheegtay hubaal aad baan uga argagaxay waxaana ii bilowday Nolol mugdi ah, cabsi, kalsooni daro, xanuun joogto ah, iyo isku buuq xadka ka baxsan, Gabadhan nolosha la wadaagi lahaa waa isugeysaa asxaabti ina Hebel hebel ii taqaanayna wixi aan la hortagi lahaa ayaa iyadana igu cakiran, cid ay Hooyo ii tilmaantay oo ay ileedahay Qoyskaas ama Qofkaas baa ku dhalayna ma jirto, talo farahayga waa ay ka baxday,

Hadii ilaa Intan aad soo gaartay, sheekadan maxaad kula talin lahayd Walaalkeen Maxamed?

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..