Naf jeceylka maxaad utaqana.?


Ma Inaad sawirkaaga kusoo dul qorto boqol hadal oo ammaan ah, wanaag isku sheegid ah, jaceyl isu muujin ah iyo wixii lamid ahi ma caddaynayaan inaad tahay qof naftiisa jecel. Naf jaceylku wuxuu ka bilaabmaa maalinta aad isku aqbashid sida aad tahay, abuurtaada, dabeecadahaaga xun iyo waxkastoo adi kugu saabsan oo aysan dadku jeclayn laakiin aanad adigu waxba ka baddeli karin.

Adiga oo aan abuur ahaan isku qanacsanayn, qiimahaaga inaad ogaato diydaya, dadku siday kaa aaminsan yihiin daneeya, waligaana intaad meel fadhiisatay adan dhihin “ wallaahi ilaahay sidii ugu wanaagsanayd ayuu iga yeelay” ayaad haddana ‘NAFTAYDAAY GACALO’ sawirkaaga si waawayn ugu soo dul qoraysaa.! Cajiib

Anaga ma danaynayno inaad naftaada jeclaato iyo inaad nacdo midna, waxaanu danaynaynaa ficiladaadu iyo danta aan ka leenahay

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..