Home / World / Nuxurka Sheekada Sawirkan.

Nuxurka Sheekada Sawirkan.

1881 waxa ku dagtay marsada Bender Qaasim ( Boosaaso) Doon Carabi ay wadatay oo lagu magacaabo Balcaawi, Doonta cidi ma badbaadin ee alaabtii saarnayd ayaaba la bililiqaystay, kadib waxa dhacay in ay hadallo xanaf leh is waydaarsadaan laba nin oo midna yahay Dhulbahante ka kalena Warsangali, kan danbe wuxu aad u dhibsaday hadallada qaar markaas ayuu orod isa sii daayay waxaanu galay buulyar oo hubkiisu yaallay, wuxu kala soo booday Waran, dadkii badnaa ee taagna goobta waxay isku dayeen in ay qabtaan hase ahaate wuu ka dhexbaxay, ka Dhulbahante oo halkan taagan warankiisiina ku tiirsan ayuu garabka ka haleelay Warankii ka Warsangali oo si awoodleh uu adeegsaday, intii uu ku mashquulsana ka Warsangali sidu uga soo rujin lahaa Waranka Garabka ninka kale ayuu kii kale halkaa fursad ka helay oo uu laabta kala eegtay Warankiisa, dhawaacii lama soo kicin, isna wuxu u luuday gidaar halkan ah oo uu iskaga saaray Warankii Garabka kaga hadhsana.

Dagaalkani muu sababin mushkilad ka dhexdhacda labada reer oo Odyaashoodu isla markiiba goobta yimaadeen ee markiiba halkii ayay ku heshiiyeen.

Waxa aan soo koobay qoraaal uu qoray goob jooge Goerges Revoil.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *