Home / World / Qof walba oo guulaysta, waxaa garab taagnaa dad aan muuqan balse wax weyn ka galay guushiisa

Qof walba oo guulaysta, waxaa garab taagnaa dad aan muuqan balse wax weyn ka galay guushiisa

Qof walba oo guulaysta, waxaa garab taagnaa dad aan muuqan balse wax weyn ka galay guushiisa, Sawirkan waa mid qiiro leh oo xambaarsan xikmad qoto dheer, Wuxuu ka hadlayaa Dadaalka iyo dhibaatada uu aabbuhu u maro caruurtiisa si uu ugu helo nolol wanaagsan.

Aabe ayaa xiran kabo duug ah oo jeexan, cagihiisana waxaa ka muuqda dhaawacyo iyo dhiig taasoo muujinaysa in uu nolol adag soo maray.

Wiil ayaa xiran kabo nadiif ah oo qurux badan, isagoo xiran dhar wanaagsan, taasoo muujinaysa nolol raaxo leh.

Guusha ilmaha waxaa sal u ah dhibta iyo juhdiga waalidka, gaar ahaan aabbaha, raaxada aad ku nooshahay waxay ka timid rafaadka waalidkaaga soo maray.

Waxaa muhiim ah in carruurta ay fahmaan qiimaha iyo dadaalka waalidkooda, gaar ahaan marka ay gaaraan heer nololeed oo wanaagsan, waxayna u baahan yihiin in ay ixtiraamaan oo u mahadnaqaan dadaalkaas aan la arkin, balse muhiimka ah.

“أَنِ اشْكُرْ لِي وَلِوَالِدَيْكَ”

“I mahadnaq aniga (Ilaahay) iyo waalidkaa.”

Aayaddan Qur’aanka ah waxay kamid tahay suuradda Luqmaan, aayadda 14aad, Waa qeyb ka mid ah aayad uu Ilaahay ku farayo qofka Muslimka ah inuu u mahadceliyo Ilaahay iyo waalidkiis.

ii mahadnaq, taasoo micnaheedu yahay inaad oggolaato nimcada Ilaahay ku siiyay, aadna uga abaalguddo adoo caabuda, amarkiisana raaca, Sidoo kale waxaad waalidkaaga uga abaalguddaa daryeelkooda, dhibkii ay kuu soo mareen, gaar ahaan hooyadaa intii ay ku siday, kuu dhashay, kuu nuujisay iyo aabbahaa oo kugu dadaalay.

Xusuusin, nimcada iyo wanaagga aan haysano kama iman nafteena oo keliya, balse waxaa naga horeeyay waalid dadaalay iyo Rabbii na abuuray.

Waalikaaga sii hadiyad qiimo leh una mahadceli had iyo jeer, waa inaad Ilaahay uga mahadcelisaa nolosha, caafimaadka, risiqa iyo hanuunka, sidoo kalena waalidkaaga uga abaalguddaa wanaaggii ay kuu fidiyeen markii aad yarayd.

Maahmaah soomaaliyeed baa ahayd, Qof walba oo dhadhaqan, qof baa dhiiqo ugu jira, Macnaheedu waa Dadka maanta ku nool nolol wanaagsan oo qurux badan ama horumar gaaray, waxaa jirta cid kale oo u rafaaday ama dadaal badan u gasha, Horumarkooda kama imaan dadaalkooda kaliya ee waxaa sal u ah qof kale oo iyaga ka horreeyay oo dulqaad iyo juhdi sameeyay, sida waalidka, macallimiinta, ama qof noloshooda qayb weyn ku lahaa.

Maahmaahdu waxay inoo sheegaysaa in aan la illoobin cidda dhab ahaantii nolosha noo fududeysay si aan u xasuusanno, u qadarinno, uguna mahadcelinno.

Uducee waalidkaaga hadii ay kuu nool yihiin ama dhinteen – 🤲

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *