Rabiica Al-Cadawiya.
Sep 1, 2025 -
Rabiica Al-Cadawiyah waxa ay ahayd Suufiyad reer Ciraaq ah oo noolayd qarnigii lixaad ee tirsiga miillaadiga. Waa qof aan laga geyoonayn haddii la maago in laga waramo xikmaddii iyo aqoontii Eebbe ku galladay. Meel dheer oo illi-ku-wareertay ah ayay dadka wax ka tusi jirtay. Qofkii dhadhamiyay ayaa garan kara murtidii Rabiica Al-Cadawiyah. Aniga oo xus uga dhigaya waxa aan idin la wadaagayaa sheeko ay lahayd.
Waxa ay ay leedahay: goor casar liiq ah oo ay qorraxdu baalka sii dhiganayso ayaa dadkii tuuladu waxa ay ku baraarugeen Rabiica Al-Cadawiya oo dhabbo gurigeeda hor mari jirtay wax ka raadinaysa. Dadkii tuulada oo dhan ayaa ku soo shiray iyaga oo doonaya in ay caawiyaan. Waxa ay waydiiyeen waxa ka lumay ee ay dhabbaha ka xulayso?. Waxa ay u sheegtay in ay xulayso irbad ay dharka ku tolan jirtay.
Waa ay la raadiyeen, balse lagu ma guulaysan in la helo. Dadkii waa ay daaleen, qorraxdiina waa ay sii dhacaysaa. Iyadii ayay kusoo jeesteen. Waxa ay yiraahdeen; “ Rabiica, qorraxdu waa ay sii dhacaysaa, carraduna waa sii madoobaanaysaa, jidka aannu irbadda ka xulaynaana waa uu dheer yahay, marka xaggee baad u malaynaysaa in ay irbaddu kaaga dhacday?” Waxa ay tiri; “Qolka dhexdiisa ayay iiga luntay!” Waa ay la yaabeen, waxa aynna waydiiyeen sababta ay bannaanka uga xulayso haddii ay gudaha ku lumisay? Waxa ay ugu jawaabtay; “Guduhu waa mugdi, balse bannaanku waa iftiin sidaas darteed ayaan banaanka uga xulayaa.”
Halkan waxa ay uga dan leedahay in ay ina tusto wax badan oo aynu guduheenna ku luminay in aynu bannaanka ka baadi goobno. Sababtuna waxa ay tahay in ay indhaheennu arki karaan waxa dibadda yaalla oo keli ah. Wax kun tallaabo kaa horreeya indhahaagu waa ay arki karaan, balse wixii dhabarkooda ku jira ma arki karaan. Waa taas midda keenaysa wixii aynu gudeheenna ka wayno in aynnu bannaaka ka raadinno. Waa taas midda keentay in aynu muraayad samaysanno si aynu muuqaalkeenna bannaanka uga aragno. Waa tan keentay in aynnu nafteenna ku qeexno sida ay dad kale inoo arkaan…
Xigasho maxamed dafle
Post Views: 80
Nagala Soo Xiriir
contact@xogbaahin.com