Samirka Waa Jidka Jannada & Guusha Nolosha Samirku Waa furaha Jannada Aayadda Waxay odhaneysa)
Oct 17, 2025 -
(وَجَزَاهُمْ بِمَا صَبَرُوا جَنَّةً وَحَرِيرًا)
“Allah wuxuu ku abaalmariyey samirkoodii Janno & dhar xarir Ah
Aayaddan waxay ka hadlaysaa dadka Alle jecel yahay kuwaas oo aduunka ku noolaa iyagoo samir badbaa aan ka cadhoonin tijaabooyinka nolosha aan ka quusan cibaadada aan u leexan xumaan xataa markay la kulmaan xanuun faqri ama cadaadis nolosha
بِمَا صَبَرُوا) macnaheedu waa sabarkoodii
darteed Samirkaas wuxuu ahaa
(Samirku waa saddex nooc)
1. Samirka lagu adkaysto cibaadada Alle (الصبر على الطاعة)
Tani waa samirka ugu quruxda badan, maxaa yeelay cibaadadu mar walba ma sahlana Naftu mararka qaar way daalaysaa wahsaneysa ama shaydaanku wuu kaa jeedinayaa laakiin qofka iimaan leh wuu adkaystaa Tusaale Markaad subaxdii hurdada diiddo oo aad salaadda fajarka u kacdo Adoo hurdada sii raba
Markaad soomayso maalmo kulul oo adag shaqa ku jirta ama safas socoto tahay
Markaad wakhtigaaga u hurto akhrinta Qur’aanka ama cilmiga diinta
Kuwani waa tijaabooyin laakiin qofka ku sabra cibaadadaas Alle wuxuu ka dhigaa mid u dhow asaga wuxuuna ku leeyahay
(Allah wuxuu jecel yahay kuwa samra)
Samirka cibaadadu waa calaamad jacayl & daacadnimo Alle loo Qabo
2. Samirka laga samro dambiyada & xumaanta (الصبر عن المعصية)
Tani waa samirka marka naftaada & dareenkaagu kugu riixaan wax khaldan, laakiin adiga aad iska celiso oo tidhaahdo (Alle baa i arkaya)
Tusaale
Markaad awood u leedahay inaad gasho xumaan balse aad ka cabsato Alle
Markaad reebto xanaaq kibir xaasidnimo ama dambiyo kale ooy naftu jeceshahay
Markaad diido shey akhiradada & addukagaba uxun lacag xaaraan ah oo kuu fududaan lahayd waxad rabto
Tani waa samirka ugu adag sababtoo ah waa dagaal aad kula jirto naftaada & shaydaanka.
Allaah SWT wuxuu Qur’aanka ku amaanay Nabi Yuusuf (CS) markuu iska diiday dumarkii isku dayey inuu dambi galo
(Qofkii Alle ka cabsada oo samra Alalh abaalkiisa ma luminayo
Markaad iska celiso dambi Alle wuxuu ku xisaabiyaa inaad guul weyn gaadhay
3. Samirka marka lagugu tijaabiyo dhibaato & masiibo (الصبر على البلاء)
Tani waa samirka marka nolosha ay ku tijaabiso sida xanuun faqri geeri cadaadis nolosha ama murugo Qofka samra wakhtigaas waa qof rumaysadkiisu adag yahay
Tusaale
Markaad waaydo qof aad jeceshahay.
Markaad la kulanto dhibaato murugo ama cadaadis nolosha waxad rabto weydo
Markaad aragto dhib adduun laakiin aad tiraahdo
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
Qofka sidaas sameeya, Nabigu CSW wuxuu yidhi “Qofkii samra Alle wuu la jiraa. Qofkii dhibsada wuu khasaaray
Samirka masiibadu waa tijaabo nolosha ah laakiin waa albaabka Jannada lagu galo.
(جَنَّةً) Waa abaalmarin lagu dajinayo meel qurux badan buuxda oo aan waligeed dhammaan Meel ay ka jirto raaxo nabad jacayl & nuur
(وَحَرِيرًا) xariir wuxuu u taagan yahay raaxo & karaamo Ragga adduunka waa laga mamnuucay xariirta Laakiin markay Jannada galaan waxaa lagu yidhaahdaa
Hadda Ayaad xaq u leedahay raaxada aad adduunka u samirtay darteed madama adunkii xumaha ka istagtay alle ka baqday ogow nin macsi badan ama gabdh xumaha jecel hadad tahay xariirta ma arkeysid inkastoo naxariista alle baladhan tahay hadana asbabta lagu gaadho & mida lagu waayo alle wanoo kale cadeeyey
Farriinta Aayadda
Allaah wuxuu leeyahay
Kuwa i samra xattaa aa markay dhibaato haysato waan garanayaa waan arkayaa mana illoobayo Maalin maalmaha ka mid ah waxaan siin doonaa Janno & sharaf aan cid kale la mid noqon Marka aad nolosha dareento culays, xasuuso aayaddan Qof kasta oo samra, Allaah wuxuu leeyahay Waxaan ku siin doonaa Janno & xarir sababta oo ah waad adkaysatay Samirku ma aha daciifnimo waa calaamad xoog rumaysad & kalsooni Alle.
Post Views: 147
Nagala Soo Xiriir
contact@xogbaahin.com