Sanadaha Jaamacadda: Meertada Nolosha Ee Dhismaha Maskaxda iyo Mustaqbalka —


Sanadaha jaamacadda ma aha kaliya marxalad tacliimeed, balse waa fursad uu qofka ku dhisi karo naftiisa, garaadkiisa, iyo yoolalkiisa nololeed. Waa xilli maskaxda ardaygu ay tahay mid aad u feejigan, diyaarna u ah in la geliyo fikrado qoto dheer, faham sugan, iyo aragtiyo wax dhisaya.

Khalad weyn oo soo noqnoqda ayaa ah in arday badan ay ku ekaadaan buuggaagta manhajka – iyagoo u arka jaamacadda meel ay ka qaataan shahaado oo kaliya, halkii ay ka ahaan lahayd xarun ay naftooda ku kobciyaan. Natiijadu waxay noqotaa inay jaamacad ka baxaan iyagoo aan lahayn aragti guud, xirfad nololeed, iyo faham qoto dheer oo ku saabsan bulshada iyo naftoodaba.

Balse kuwa uga ka faa’iidaysta fursaddan sida ay tahay, waa kuwa u arka jaamacadda inay tahay masrax ay ku dhisayaan kartidooda; waxay akhriyaan wax manhajka ka baxsan, Waxay waqti gelinayaan horumarinta xirfadaha, wax qorista, cilmi baarista, doodaha, fahamka duruufaha cusub, iyo dhisidda aragtiyo cusub oo ka caawiya inay noqdaan hoggaamiyeyaal iyo hal-abuurrayaal mustaqbalka. waxay sanadahan u beddelaan waqti aqoon-isweydaarsi ballaaran, aqris joogto ah, iyo furfurnaan maskaxeed, halkii ay ka ahaan lahaayeen safar tacliimeed oo caadi ah.

Qof kasta oo si dhab ah u guulaystay nolosha, haddii la weydiiyo halka uu ka bilaabay dhismaha shakhsiyaddiisa, wuxuu tilmaamayaa sanadaha jaamacadda. Waa halka lagu barto sida loo fikiro, loo doodo, loo qiimeeyo, loo khaldo, loona saxo. Waa halka lagu kasbado is-barasho dhab ah iyo garasho ku salaysan waayo-aragnimo.

Haddaba, haddii aad maanta jaamacad joogto, ha u arkin waqti lagu buuxiyo koorsooyin iyo imtixaanno kaliya – u arag fursad nololeed oo go’aamin doonta cidda aad berri noqon doonto. Akhri, faham, la falgal, la dood, naftaada la tartan.

📌 Jaamacadda ma aha meel aad kaliya wax ka baranayso — waa meel aad naftaada ku dhiseyso.

Ku soo biir oo igala soco Boggan👇

W/Q Usame Qiyasle

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..