Waxaa jirtay dooni dad badan saarnaayeen, waxayna ku sii jeedeen safar badeed. Markii ay badda dhexdeeda marayaan, nin ka mid ah rakaabkii ayaa istaagay, wuxuuna bilaabay inuu faash/ faas ku jebiyo sagxadda hoose ee doonta, halkaasoo biyo ay ka soo gali karaan.
Dadkii lasaaranaa doonida ayaa argagaxay oo ku qayliyay:
“War maxaad sameynaysaa?! Ma waxaad dooneysaa inaad doonta nagu jebiso?!”
Ninkii wuxuu ku jawaabay:
“Anigu lacag baan kala baxay booskan aan fadhiyo anigaa iska leh. Waxa aan doono ayaan ka samayn karaa yacnii anaa kireystay maxaa idiinka galay.”
Markaasaa nin waayeel ah oo caqli badan oo saarnaa doonta u hadlay, wuxuuna yiri:
“Waa run booskaas adigaa kireystay xaqana uleh in aad Saad doonto ka yeelato, laakiin haddii aad jebiso doonta, biyaha waxay ku soo fatahi doonaan dhammaanteen. Haddii doontu degto, qofna ma badbaadayo. Marka falkaaga waxa uu sameynayaa dhamaanteen, mana aha mid adiga kaliya kuu gaar ah.”
Markaas ayaa dadkii ka hortageen falkiisii foosha xumaay, waxeyna ka qaaden faaskii, doontiina waa la badbaadiyay.
Dulucda sheekada: