Home / World / Sheeko Siyaasadeed (1)

Sheeko Siyaasadeed (1)

Beri baa nin waxa uu u keenay Xaaskiisa Xabbad Kalluun ah oo uu xeeb u dhaweyd ka soo jillaabtay. Waxa uu ku yiri ” Gacaliso noo kari Kalluunkan.”

 Waxay ku tiri ” Biyo aan ku kariyo ma hayo oo way naga go’an yihiin.”

Waxa uu ku yiri ” Noo shiil haddaba.” Waxay ku tiri ” Maxaan ku shiilaa Saliiddii way qaaliyowday oo ma hayo.”

Waxa uu ku yiri ” Noo dub haddaba.” Waxay tiri ” Maxaan ku dubaa, dhuxushii fool maroodi ayey noqotay qaali.

 Ninkii inta uu kalluunkii oo weli nool uu qaaday ayuu baddii ku tuuray oo biyihii dib ugu celiyey.

 Kalluunkii oo faraxsan ayaa biyaha madaxa kala soo baxay oo ku yiri ninkii ” Ha noolaato Dowladda.”

Cabdulqaadir Maax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *