Waxaa la sheegay ganacsatadii Waagii hore marka ay Dukaamadooda aroortii furtaan, Ee hal dukaan labo jeer loo soo galo ee wax laga iibsado.
Dukaankii deriskiisa ahaana aan weli loo aftaxin.
Waxa uu ku oran jirey qofka saddexaad ee u soo gala dukaankan igu dheggan ayaa dalabkaaga haya ee ka gado.
Isaga oo ay dantiisu tahay in dukaankan kalena wax laga iibsado.
~Xageen kala joognaa annaga iyo dadkaas maanta. ~
Cabdulqaadir Maax