Home / World / Sheeko Siyaasadeed (5)

Sheeko Siyaasadeed (5)

Abbaanduulihii la oran jirey Alexander the great-356BC- 323BC. Ayaa markii uu ku ururay sariirtii uu ku dhiman lahaa, ee uu xaqiiqsaday inuu adduunyada si degdeg ah uga tegi doono ayuu saraakiishii la shaqeyn jirtay waxa uu ku yiri; marka aan dhinto saddex dardaaran oo aan jeclahay ii fuliya.

Saraakiishii oo ilmada dhabankooda ka tiraya ayaa ku yiri; taliye waan fulineynaa ee noo sheeg.

Waxa uu yiri dardaaranka 1aad: waa in ay naxashka meydkeyga qaadaan dhakhaatiirteyda gaarka ii ahayd. Si dadku u ogaado in haddii ay ajashu timaaddo inaanu dhakhtarku qofka nolosha ku celin karin.

Dardaaranka 2aad: waa in wixii lacag, dahab iyo dhagxaan qaali ah ee aan ururusaday intii aan noolaa lagu daadiyo jidka naxashkayga lagu wado ee qabuuraha u socda. Si ay dadku u ogaadaan in wixii dahab iyo lacag aan haystay aan adduunka kaga tegay oo aanay I raaceynin.

Dardaaranka 3aad: waa in inta xabaasha la ii sii wado labadeyda gacmood naxashka laga soo saaraa oo iyaga oo walhanaya la laadlaadiyaa. Si ay dadka u ogaadaan inaan adduunkan imid aniga oo faro maran. Ka dibna aan ka tegay aniga oo faro maran.

~Tani waxay waano u tahay dadka dhisaya daaro boqolaal sano gaaraya, kuna dhisayo xoolo xaaraan ah, iyada oo cimrigoodu uu yahay 60 sano ~

Cabdulqaadir Maax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *