Beri baa nin boqor ah waxa uu dhalay gabar aad u qurux badan. Gabadhu boqorka aad buu u jeclaa. Wax alle wixii ay u baahan tahayna wuu u sameyn jirey, hadalkeedana wuu tixgelin jirey. Gabadhaas waxaa la odhan jirey Barreey. Waxa kale oo uu boqorkaas lahaa wiil adeege ah oo waayo badan madiidin u ahaa. Wiilkaas adeegaha ahi qoyska reer boqor ayaa uu ka tirsaanaa boqorkuna aad ayuu u jeclaa, sida ilmo uu dhalay ayuuna u koolkoolin jirey.
Wiilkaa adeegaha ah isagana waxa la odhan jirey Barrow. Barey iyo Barow sida uu boqorka u jecel yahay aad bay u garanayeen. Maalintii dambe iyaga oo aan is ogeyn ayuu midba waxa uu damcay inuu boqorka ka codsado wax uu waayadanba ku taamaayey.
Barrow inta uu boqorkii u tagay ayaa waxa uu ku yidhi “ boqorow maadaama aan intaa kuu adeegayey, sida carruurtaadii oo kalena aan kuu ahay waxa aan maanta kaa codsanayaa in aad gabadhaada Barrey igu darto oo aad I siiso, si aan u guursado.”
Boqorkii isaga oo aan maya iyo haa midba odhan ayaa uu hawl deg deg loogu baahnaa u dirsaday.
Muddo aan sidaa u fogeyn markii ay ka soo wareegtay, ayaa galabtii dambe waxaa u timid gabadhiisii Barrey oo si fiican u lebisan inta ay aabaheed dhabanka ka dhunkatay ayey ku tidhi “aabbe waxa aan maanta kaa codsanayaa in aad adeegaheena Barrow iibiso oo aad lacagtiisa I siiso si aan waxyaabo aan u baahanahay oo ay ka mid yihiin dugaagado iyo hilqado aan ugu soo iibsado.
Boqorkii inta uu dhoola caddeeyey, isaga oo la yaaban sida ay labadan codsi ee Barow iyo Barrey ay kaaf iyo kala dheeri u yihiin,ayuu inta uu madaxa ruxay, ayaa waxa uu uurka iska yidhi “Barrey iyo Barrow way isku baadi maqan yihiin, isagana in uu guursado ayaa uu doonayaa, iyaduna inay suuqa gaysato oo ay iibsato ayey rabtaa.”
( Waxaan taas uga socdaa siyaasadda dalka yaanay naga noqonin sida sheekada Barrow iyo Barrey )
Cabdulqaadir Maax