Home / World / Sheeko Siyaasadeed(4)

Sheeko Siyaasadeed(4)

Beri baa nin wiilal badan iyo geel badan lahaa ayaa waxa uu beeshiisa la dhex joogay kibir iyo madax- adayg.

Berigii dambe ayaa wiil isaga uu dhalay waxa uu diley wiil beel kale ah.

 Odayaashii labada dhinac markay fariisteen waxay xakameeyeen dagaal in uu dhaco.

Waxa lagu heshiiyey in wiilka la diley mag laga bixiyo. Dhiig tol baa qaata, tolna wuu bixiyaaye geelii magta ahaa ayaa Tolkii kala qaybsaday.

Odaygii dhalay wiilka wax diley tulud geel ah ayaa ku soo aadday. Laakiin wuu diiday inuu tuludii bixiyo.

 Waxaana uu yiri ” Hal ay sumadaydu ku taallo lagama yaabo inay geel kale dhex joogto.

Odayaashii beesha haddii ay odaygii kor iyo hoos ula hadleen, dheg jalaq wuu u siin waayey.

Ka dib dagaal baa labadii beelood dhex maray.  Wiilkii wax diley iyo wiilashii kale ee odaygu dhalay dagaalkii ayey ku dhinteen. Odaygiina isaga oo dhaawac halis ah ku yaallo ayaa la qabtay. Ka dib waxaa lagu yiri; warran? Waxaa laga hayaa; “Markaan tabar hayey talo ma haynin, maanta oo aan talo hayana tabar ma hayo”.

~ Taasi waxay ka dhigan tahay; qofkasta oo taladiisa oo tuur leh ay la toosnaado, sidaas ayaa u dambeyn~

Cabdulqaadir Maax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *