Sidee Looga Faa’iideeystay Cimiga Caqliga( Logic Science)?


May be an image of text that says 'Imam Al-Ghazali Al (1058-1111 CE)'

Muslimiintu waxay ka faa’iideen cilmiga caqliga (falsafadda iyo Cilmiga Mandiqa) si weyn, gaar ahaan xilligii dahabiga ee Islaamka. Culimada sida Al-Farabi, Ibn Sina, iyo Ibn Rushd waxay qaateen nidaamkii falsafada Giriigga, iyagoo ku daray ruux Islaami ah, taas oo ka dhigtay in caqliga iyo diintu si isu dheellitiran loogu adeegsado sharaxaadda xaqiiqooyinka. Taasi waxay muslimiinta siisay awood ay ku hormariyaan ciluumta kala duwan sida caafimaadka, xisaabta, xiddigiska, iyo cilmi-nafsiga, iyadoo la adeegsanayo hab caqli ah oo la jaanqaadi kara Qur’aanka iyo Sunnaha.
Mantiq (logic) wuxuu noqday aalad muhiim ah oo lagu dejiyo qawaaniinta fikirka saxda ah, taas oo culimada Islaamka ka caawisay inay difaacaan diinta marka ay la kulmaan doodaha falsafiyiinta ama dadka ka shakisan jiritaanka Alle. Habka mantiqa ahi wuxuu u oggolaaday muslimiinta inay si cilmiyeed nidaamsan ugu sharxaan gaalada jiritaanka Alle, nabinimada, iyo nolosha aakhiro, si ay u noqoto noloshoodu mid la jaanqaadaysa xeerarka caqliga iyo xitaa aragtiyaha cilmiga casriga ah. Xiligaas waxaa falsafadaha galbeedku ahaayeen kuwa kala saara diimaha iyo awoodaha.
Marka loo eego dadka aan rumaysnayn Alle, culimada Islaamka waxay u adeegsan jireen mantiqa iyo falsafada si ay ugu qanciyaan in caalamku leeyahay nidaam iyo sabab aan iskiis u imaan karin, taas oo ka tarjumaysa jiritaanka Abuure. Tusaale ahaan, doodda sababta koowaad (First Cause) oo laga soo qaatay falsafada Aristotelian-ka ayaa lagu sharraxay in wax kasta oo dhacaya ay leeyihiin sabab, taas oo ugu dambeyn ku qasbaysa caqliga inuu aqbalo jiritaanka Eebbe aan la sababayn. Habkani wuxuu si gaar ah muhiim ugu ahaa muslimiinta, maadaama uu isku xiray diinta iyo sayniska, isagoo diidaya in ay is diidaan balse uu muujiyo inay is waafaqaan.
Waxaa sidaas ku muuqata in Islaamku uusan falsafada u adeegsan kaliya aqoon kororsi, balse uu uga faa’iiday difaaca caqiidada iyo horumarinta cilmiga, isagoo caqliga ka dhigay buundo u dhaxaysa xaqiiqada diineed iyo tan cilmiga. Cilmiga falsafada culimada baratay waxay ka digeen in Falsafadu qofka u jiidato dhinaca qaldan, iyo in laga dhaxlo isla weyni hadii uusan qofku diinta u lahayn aqoon durugsan. Waxay kaloo cadeeyeen in muhiim tahay in diinta islaamka aad loo barto inta aan la baran falsafada waayo waa inaad naftaada ku difaaco karto aqoonta iyo cilmiga.

Maha

Maha Hussein

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..