Sikastood busy u tahay, haka taggin quranka, dikriga, salada, soonka, sadaqada. Ayaga ku hore, wixi kale aad qabaneyso ku dhul dhis. Foundation-ku ha noqdo cibaadada.
Sanadki ima jeer ayaad quraanka tilawa ku wada akhrida? Sanadkan ayaban ugu roona, 2 jeer ban dhameyey, hadda marki saddexaad intaa yaar ee suradaha hoose baa iga haddhey sida calamada niiga muuqata. Alhamdulilah ilaahay ii wafajiyey. Waxa rajeynaya november inaan quraanka marki saddexad ku dhameeyo akhris insha Allah.
Hadanaan ku ducaysan ducadan ” ilaahow qalbigeyga quranka igu fur”, u maleyn maayo inaan sidaa ugu dadaali laha. Ku ducaysta wixi khair ku jiro, ilaahay wuxu Rabba uun inaad weydisato si u ku siiyo. Haddikalee waxba kuma dhaqaaqayan. Weydiso, waad arkeysa isbedel.
Idhinkana waa ni rajeynayaa inaad akhriska quranka badsataan. Waa keydka kaliya een kaa halabeyn, ka khasareyn, ka dhamaaneyn, iilka marka sidaa nalo aaso ama naloo duugo, isaga wehel no noqonaya qabriga dhexdisa. Yawm qiyamaha wuxu kugu doodaya oo ilaahay bu ku weydinayaa naxariis. Waa ku markhati inaad khair ku mashqushey.
Waxan rajeynaya inaan sanadada ku xigga ila 5 jeer kitaabka tilaawa kuwada akhriiyo sanadka dhexdisa. Waa goal aan hadda plan gareynayo before 2026. Intaan inaan idhinku dhiirigaliyo ayaan idhinku sheegaya, waayo macaanida ku jirta baan la tacajabey. Mid ba jirto, quraanka akhriskisa hadaad badiso. Isma arkeysan welwel, addunayo jacayl, stress, cabsi. Waxkasto ibn adam ilowsiiya kartidiisa. Waxa kula socda power aad dareensatahay inu Allah ka yimid.
Walahi mucjisoyiin badan ban arkey oonaan iska sheeg sheegin kareyn. Allahu Akbar.
Khair badan ayaan ni rajeynayaa 🌹