*Tilmaamaha Fashilka Nololeed Kaadhigaaya Ka Fogaaw__kani waa qoraal wacyigelin bulsho ah


*Tilmaamaha Fashilka Nololeed Kaadhigaaya
Ka Fogaaw__kani waa qoraal wacyigelin bulsho a

*Fashilka nololeed waa xaalad ay ku dhamaanayaan himilooyin, riyooyin, iyo fursado muhiim ah oo qofka noloshiisa horumarin lahaa. Fashilku inkastoo uu qaddar, yahay handana waxaa loo tiriyaa farsamo xumo __ ma aha in qofka kaste noloshiisa laga filayo guuldarro laakiin marka uu fashil yimaado waxaa la sheegaa in uu yahay natiijo ka dhalata doorashooyin khaldan, dabeecado liita, iyo qorshe la’aan.__

Bulsho kasta waxay horumar ka gaari kartaa marka dadkeedu ay fahmaan waxa dhab ahaan horseeda fashilka si ay uga fogaadaan__ Qoraalkan waxa uu ifinayaa qaar ka mid ah *tilaabooyinka ugu waaweyn ee keena fashilka*, isaga oo si xeeldheer uga eegaya nolosha dhan walba.

*1. Himilo La’aan iyo Qorshe La’aan:*

Qof aan lahayn hiigsi nololeed wuxuu la mid yahay dabayl ku wareegaysa hawada oo aan jihaysnayn Marka aan qorshe iyo hadaf jirin, waqtiga, tamarta iyo fursadaha way lumi karaan si dhaqso ah.

*Talo:* Qof kasta ha lahaado taargad nololeed, qorshe sanadle ah, iyo yididiilo uu ku socdo.

*2. Dabciga Dib-u-dhaca*

Marka la hakiyo wax kasta oo la qaban lahaa, oo la dhaho “beriba waan qaban doonaa”, wax walba waxay noqdaan culays taagan. Tani waa caado laga dhaxlo fashil joogto ah,

*Talo:* Ku dhaqaaq ficil degdeg ah – maanta qabso waxa aad beri u qorsheysay waa guul.

*3. Ka Fogaanshaha barashada & Kobcinta Maskaxda:*

Cilmiga iyo horumarinta nafta waa saldhigga guusha. Marka qofku ku ekaado waxa uu yaqaan oo uu iska diido barashada cusub, waxa uu noqdaa qof aan la jaanqaadi karin horumarka iyo isbeddelka dunida taasi waa dib u dhac,

*Talo:* Ku dadaal inaad wax barato mar kasta, xitaa hal eray ama hal xirfad todobaadkiiba.

*4. Ku Tiirsanaanta Dad Kale iyo Cabsida Go’aamada:*

Marka qof aanu kalsooni ku qabin go’aamada noloshiisa, wuxuu had iyo jeer sugaa cid kale, fashil ayaa u sahlan. Is-aaminaanta iyo madax-bannaanida ayaa muhiim ah.

*Talo:* Baro inaad go’aan qaadato, khalad ka bixi karto, oo aad masuuliyadda noloshaada la wareegi karto tani waxay kaa dhigaysaa qof faham iyo adkaysi leh___.

*5. La Qabsiga Dabeecado Wax Duminaya:*

Caadooyinka sida: isticmaalka maandooriyaha, waqtiga oo si aan habboonayn loo isticmaalo, iyo dhaqan-nololeedka aan masuuliyadda lahayn waxay si tartiib ah u burburiyaan qofnimada,__

*Talo:* Ka fakar noloshaada mustaqbalka markaad fal samaynayso maanta __

*6. Isbarbar-dhigid Joogto ah oo Aan Tayo Lahayn:*

Marka qofku naftiisa si joogto ah ula barbardhigo dadka kale, faano iyo ismoodsiin ku noolaado wuxuu luminayaa kalsoonidiisa, halkaasna waxay dhalin kartaa niyad-jab iyo caro naftaada ah__.

*Talo:* Isbarbardhig naftaada shalay iyo maanta tani waxay dhaqso kuu tusaysaa farqiga waana halka ugu habboon ee horumar laga arki karo.

*7. Ka Fogaanshaha La-talin bulshada:*

Qofka aan dheg u lahayn talooyinka wanaagsan ee iska dhaafa talada dadka khibradda leh, wuxuu halis u yahay inuu ku celceliyo khaladaad laga badbaadi karo_ tani waa halka aan u badanahayn ee fashilka noo keenta gaar ah meelah bulshada loogu adeego, sida ganacsiga iwm,

*Talo:* La-talin raadso, hana ka xishoon inaad weydiiso wixii aad garan la’dahay.

*8. Ka Fogaanshaha Mas’uuliyadda:*

Qof aan aqbalin mas’uuliyadda khaladaadkiisa, marnaba ma barto, waxna kama kororsado nolosha waxuu noqdaa qof hal meel taagan, .

*Talo:* Khaladka aqbal, wax ka baro, cashar hakuu noqdo uuna noqo jaranjaro horumar. Laga aado,,

*9.La Dhaqan la,aan Bulsho & Kalinimo Go’doon ah:*

Qofka aan bulshadiisa ku dhex jirin ama aan wax xiriir ah la lahayn dadka kale, wuxuu lumiyaa fursado badan – cilmi, ganacsi, shaqo, iyo taageero nafsiyeed.

*Talo:* La xiriir dadka wanaagsan, bulsho toosan ka qayb noqo horumarka guud. Iyo isdhexgalka,

*10. Diidmada Is-beddelka iyo La-qabsiga Wakhtiga:*

Dadka aan la jaanqaadi karin isbeddelka teknoolojiyadda, dhaqaalaha, ama dabeecadaha cusub ee nolosha, waxay si sahal ah ugu dhacaan gadaal u socod. Marka kaste la falgal xaaladahai cusub tani waxay kaa dhigaysaa mid adkaysi leh,

*Talo:* Isbeddelka u arag fursad, baro waxa cusub, adkee awoodda la-qabsiga.

*Gaba-gabo*
Fashilka nololeed ma ahan wax kadis ah, balse waa natiijo ka dhalata tilaabooyin yar yar oo aan laga fiirsan. Waxa la gudboon qof kasta iyo bulsho kastaba in ay si joogto ah u qiimeeyaan dhaqankooda nololeed, una hogaansamaan toosnaanta, waxbarashada, iyo horumarinta nafta.

*”Nolosha waa safar u baahan feejignaan, yool, iyo u diyaar garow joogto ah. Kuwa fashilmay ma ahan kuwo aan nasiib lahayn, balse waa kuwo iska indhatiray waxyaabaha yaryar ee fashilka keena.”*

#bandhigbulsho #wacyigelinbulsho #HealthAwareness #healthyliving

#fadlanlawadaag

https://www.facebook.com/share/1BXtcDqpj9/

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..