Toonta, Qarfaha iyo Malabka, Saddex Daawo oo Dabiici ah Korna u Qaada Testosterone-ka Ragga
Dunida caafimaadka dabiiciga ah, isku darka toon, qarfo (cloves), iyo malab waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay “daawo dabiici ah oo awood leh” oo kaalin weyn ku leh caafimaadka ragga, gaar ahaan dhinaca kor u qaadidda hormoonka testosterone. Testosterone waa hormoon muhiim ah oo u xilsaaran rabitaanka galmada, xoogga murqaha, tamarta jidhka, iyo niyadda.
1. Toon (Garlic) iyo Testosterone
Toontu waxa ay jidhka ka caawisaa inuu soo daayo hormoonka luteinizing hormone (LH) oo kiciya hormoonka testosterone.
Waxaa ku jira allicin, taasoo yareyneysa walbahaarka jidhka (cortisol), taas oo hormoon ahaan carqaladayn karta soo saarista testosterone.
Rag badan ayaa u adeegsada toon si ay u helaan tamar dheeraad ah iyo rabitaan galmo oo xooggan.
2. Qarfo (Cloves) iyo Testosterone
Qarfo waa dhir caan ku ah kor u qaadidda awoodda galmada iyo kicinta shahwada.
Waxay wanaajisaa qulqulka dhiigga, taas oo muhiim u ah awoodda ragga.
Daraasado ayaa muujiyay in isticmaalka qarfo joogto ah uu gacan ka geysto hagaajinta heerarka testosterone.
3. Malab iyo Testosterone
Malabku waxa uu hodan ku yahay borotiinka boron, taas oo sare u qaadda heerka testosterone.
Waxa uu wanaajiyaa wareegga dhiigga, wuxuuna bixiyaa tamar dabiici ah oo joogto ah.
Malabka waxaa sidoo kale loo yaqaan inuu kordhiyo rabitaanka galmada iyo firfircoonida ragga.
Isku-darka Saddexdan iyo Faa’iidooyinka Testosterone
Marka la isku daro toon, qarfo iyo malab, waxay sameeyaan isku-dar xoog leh oo:
✅ Sare u qaada heerarka testosterone-ka.
✅ Kordhiya awoodda galmada iyo rabitaanka
✅ Wuxuu Xoojiyaa murqaha iyo tamarta jidhka.
✅ Waxa ay ragga ka Caawiyaan yareynta daalka iyo walbahaarka.
Sida Loo Isticmaalo
Ku rid toon la tumay ama la jarjaray, qarfo iyo malab la isku daray kuna Rid Weel ama dhalo nadiif ah.
U daa dhowr maalmood si ay iskugu dhex milanto.
Qaado hal qaado oo yar (teaspoon) subax kasta calooshaada oo madhan.
👉 Waxaa lagu talinayaa in si joogto ah loo isticmaalo si loo helo natiijo fiican, balse haddii aad leedahay xaalad caafimaad oo gaar ah, waxaa fiican inaad la tashato dhakhtar.
Kader Tech